Thursday, August 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi Ka Socda Bankiga Islaamka Oo Gaaray Kismaayo Iyo Balanqaadyo Ay Sameeyeen

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 25, 2015
in Wararka
0
Shir lagu soo xulayo xildhibaanada maamulka Jubba oo Kismaayo ka furmaya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdigani ka socday Bankiga Islaamka ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, waxaana si weyn magaaladaasi ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubba, iyadoo wafdigaasi uu hogaaminayay Guddoomiyaha bankigaasi.

Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ayaa markii ay ka dageen wafdiga waxa magaalada u galbiyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Juba, iyadoo ay kormeereen qeybo ka mid ah magaalada Kismaayo, waxaana goobaha ay booqdeen wafdigaasi ka mid ah Isbitaalka, iyo Jaamacada Kismaayo, qaar ka mid ah dugsiyada Sare ee ku yaala magaalada iyo Dekeda Kismaayo.

Related posts

Saddex ka tirsanaa Khawaarijta oo saaka lagu fuliyay xukun dil ah

Saddex ka tirsanaa Khawaarijta oo saaka lagu fuliyay xukun dil ah

August 14, 2025
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo kulan la qaatay ururka Garsooreyaasha Bariga Afrika 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo kulan la qaatay ururka Garsooreyaasha Bariga Afrika 

August 14, 2025

Wafdiga ayaa markii ay booqdeen goobahaasi kaddib waxa ay sheegeen in ay wax ka qaban doonaan baahiyaha ka jira meelihii ay kormeereen oo ay ugu horeyso in magaalada ay ka fuliyaan mashaariicyo lagu horumarinayo islamarkaana socdaalka magaalada Kismaayo ay ku tageen uu ahaa mid ay ugu kuur galayeen xaaladaha ka jira.

Wafdiga ayaa sidoo kale waxa ay kulamo la qaateen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubba oo ugu horeeyo madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, iyagoo ka wada hadlay arrimo la xiriira horumarinta deegaannada Maamulka Jubba uu ka arrimo iyo Bankiga Islaamka uu wax ka qabto baahiyaha jira oo ay ugu horeyso dib u dhiska iyo arrimo kale.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka jira horumaro kale duwan, iyadoo magaalada ay ka soo kabaneyso dhibaatooyinkii Kooxda Nabad diidka ah ee UGUS ay ku reebeen, waxaana sii kordhayaa horumarka iyo bilicda magaalada.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho 25 03 2015

Next Post

Siminaar Ku Saabsanaa Hirgalinta Nidaamka Federaalka Ah Oo Loo Soo Xiray Shaqaala Ka Tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Next Post
Qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha gudaha oo loo qabtay Siminaar” SAWIRRO”

Siminaar Ku Saabsanaa Hirgalinta Nidaamka Federaalka Ah Oo Loo Soo Xiray Shaqaala Ka Tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Saddex ka tirsanaa Khawaarijta oo saaka lagu fuliyay xukun dil ah

Saddex ka tirsanaa Khawaarijta oo saaka lagu fuliyay xukun dil ah

August 14, 2025
0

Waxaa saakay aroortii hore ayaa lagu fuliyay xukun dil ah oo toogasho ah tiirka cadaaladda ee magaalada Muqdisho, kadib markii...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo kulan la qaatay ururka Garsooreyaasha Bariga Afrika 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo kulan la qaatay ururka Garsooreyaasha Bariga Afrika 

August 14, 2025
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed iyo qaar kamid ah hoggaanka sare ee hay’adaha garsoorka dalka, ayaa...

R/W Ku-xigeenka labaad ee Soomaaliya oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Afrika

R/W Ku-xigeenka labaad ee Soomaaliya oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Afrika

August 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdi Rashid Xaaji Cabdi, oo matalaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan wax ku ool ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo masuuliyiinta Bangiyada dalka

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan wax ku ool ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo masuuliyiinta Bangiyada dalka

August 13, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa maanta shir muhiim ah la yeeshay culimo, ganacsato iyo wakiillo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In