Friday, March 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Siminaar Ku Saabsanaa Hirgalinta Nidaamka Federaalka Ah Oo Loo Soo Xiray Shaqaala Ka Tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha gudaha oo loo qabtay Siminaar” SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayaa maanta loo soo gabo gabeeyay siminaar ku saabsanaa hirgelinta Nidaamka federaalka iyo arrimaha dib u heshiisiinta oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Arrimaha gudaha, hay’adaha UNDP iyo UNSOM.

Siminaarka oo socday muddo labo ciso ah ayna ka qeyb galeen 32 shaqaale oo ka tirsan waaxda federaalka ee Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa waxaa lagu baranayay hirgelinta nidaamka Federaalka ah, dib u heshiisiinta iyo wada hadal Qaran, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

March 6, 2026
Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

March 6, 2026

Ku-xigeenka Agaasimaa guud ee barnaamijka horumarinta ee hay’adda UNDP David Akopyan ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay ka qeyb galka xiritaanka siminaarkani, isagoo sheegay inay diyaar u yihiin sidii ay dowladda gacan uga siin lahaayeen hirgelinta nidaamka federaalka ah.

Agaasimaha xiriirka ee Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka Cabdifataax Cali Xasan ayaa sheegay in waxbadan laga faa’iiday siminarka, ayna joogteyn doonaan sidii siminaarada noocaan oo kale ah loogu qaban lahaa shaqaalaha waaxyaha kale duwan ee Wasaaradda.

Qaar ka mid ah dadkii ka faa’iiday siminaarka ayaa daboolka ka qaaday inay ku dadaalayaan sidii ay u dhaqangelin lahaayeen waxyaabihii ay ka faa’iideen siminaarka.

Ugu dambeyntii Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha gudaha C/fataax Daahir Mire ayaa sheegay in siminaarkani uu yahay wejigii koowaad ee lagu baranayay federaalka iyo dib u heshiisiinta, islamarkaana wajiga labaad la qaban doono 14-ka bisha April.

Siminaarka ayaa laga soo saaray qorshe howleed ku saabsan sidii lixda bil ee soo socota loo sameyn lahaa dhameystirka iyo dhismaha dowlad goboleedyada dalka.

Previous Post

Wafdi Ka Socda Bankiga Islaamka Oo Gaaray Kismaayo Iyo Balanqaadyo Ay Sameeyeen

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Bay Oo Kormeeray Mashaariicyo Beydhabo Ay Ka Wado Hey’adda DDG

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Bay Oo Kormeeray Mashaariicyo Beydhabo Ay Ka Wado Hey’adda DDG

Guddoomiyaha Gobolka Bay Oo Kormeeray Mashaariicyo Beydhabo Ay Ka Wado Hey'adda DDG

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

March 6, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh ka diray geerida, Alle ha u naxariistee, Janaraal...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

March 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho Afur Sharafeed ugu...

Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo booqday xerada Ciiidanka ee Qorilow

Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo booqday xerada Ciiidanka ee Qorilow

March 6, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo uu wehliyay Xildhibaan Cusmaan Maxamed Maxamuud...

Deeq daawo ah oo la gaarsiiyay Isbitaalka Xoogga dalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Isbitaalka Xoogga ku booqday shacab Khawaarijtu dhibaateysay

March 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, (Jeneraal Khaalid) ayaa maanta booqday Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed halkaas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In