Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Askar Boolis ah oo tababar loogu soo gabagabeeyay Muqdisho (Sawiro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Askar Boolis ah oo tababar loogu soo gabagabeeyay Muqdisho (Sawiro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababarkani  maanta loo soo xiray   askartaan ka tirsan ciidanka  booliska  Soomaaliyeed ayaa waxaa muddo 3 asbuuc ah siinayay saraakiil ka socday dowladda  Turkiga.

Askartaan   oo  tiro ahaan   gaareysay  20  ayaa   bartay casharo ay kamid yihiin  ilaalinta   madaxda,  baarista  danbiyada  gaarka ah  iyo sida loo baaro  gadiidka  iyo guryaha iyadoo aan waxyeelo loo geysanayn bulshada.

Related posts

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026

Munaasabad shahadooyin lagu gudoonsiyey  ciidanka ayaa  lagu qabtay         xarruunta  dugsiga   tababarka   ciidanka booliska  Soomaliyeed  Jeneraal Kaahiye  ee magalada Muqdisho,  waxaana  ka qeyb   galay wasiir ku xigeenka wasaradda aminga gudaha Soomaliya,  Safiirka  dowladda  Turkiga  u fadhiya Soomaliya iyo  saraakiil  isugu jirta Soomaali iyo Turki.

Muraat   Artobaan oo ka mid ah sarakiisha  Turkiga ee ciidanka  booliska  Soomaliyeed  tababarka siinayey ayaa   sharaxaad ka  bixiyey  waxyabhiii  ay  barteen ciidanka.

Taliyaha  dugsiga  tababarka ciidanka  booliska  Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye , Gen:  Cabdirashiid Aaden Xirsi  ayaa tilmaamay  in tababarkani   uu qeyb  ka yahay  mataaneynta  dugsiga  tababarka ciidanka  booliska  Soomaaliyeed  iyo kan Turkiga oo  dhowan billowday.

Safiirka dowladda  Turkiga  u fadhiya  Soomaaliya, Olgan  Bekar  oo  ka hadlay  munaasabadda a yaa sheegay  in  tababarka ay saraakiisha  Turkiga siinayaan  ciidanka booliska uu qeyb ka yahay  tageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka wasaradda amniga  gudaha  ee xukuumadda Soomaaliya,  Mudane Cabdinaasir Maxamed Cali ayaa  kaga  mahad celiyey  dowladda  Turkiga  taageerada  ay la garab taagan yihiin   dowladda Soomaliya iyo shacabkeeda ,  isagoo ciidanka tababarka loo soo xiray kula dar-daarmay  in  casharada la baray ay ugu adeegaan   shacabka Soomaliyeed .

Waa tababarkii u horeeyay ee noociisa ah oo dowladda Turkiga ay siiso ciidanka Booliska Soomaaliyeed laguna qabto gudaha Dalka.

.vlcsnap-2015-03-26-16h04m24s84 vlcsnap-2015-03-26-16h04m31s153 vlcsnap-2015-03-26-16h04m58s160 vlcsnap-2015-03-26-16h05m06s245 vlcsnap-2015-03-26-16h05m12s48 vlcsnap-2015-03-26-16h05m17s103 vlcsnap-2015-03-26-16h05m26s213

Previous Post

Golaha wasiirada oo ka shiray xoojinta amniga dalka iyo arrimo kale (Sawirro)

Next Post

Madaxweynaha oo soo gabababeeyay booqashadii Dhuusamareeb

Next Post
Madaxweynaha oo soo gabababeeyay booqashadii Dhuusamareeb

Madaxweynaha oo soo gabababeeyay booqashadii Dhuusamareeb

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Janaraal Xasan Dhicisow, ayaa gaaray deegaanka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay degmada Matabaan ee...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

January 8, 2026
0

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhiirrigelinayay saraakiisha booliska...

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

January 8, 2026
0

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta qaawan ee ay YH-da Israa’11l ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In