Tuesday, April 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Sacuudiga oo abaabushay isbaheysi melateri oo la dagaalama Xuutiyiinta Yemen

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Dowladda Sacuudiga oo abaabushay isbaheysi melateri oo la dagaalama Xuutiyiinta Yemen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Boqortooyada  Sacuudiga, ayaa ku dhawaaqday inay dhistay dalal isbaheysi ah oo ka qayb qaata weerarrada xagga cirka ah, ee Khamiista maanta ka bilowday dalka Yemen.

Warbixin ay soo saartay dowladda Sacuudiga ayaa lagu sheegay in boqortooyada Sucuudigu diyaarisay ilaa 10 dal, oo  ka qayb qaata dagaal  ka dhanka ah Xuuthiyiinta Yemen.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026
Madaxweynaha  Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

April 14, 2026

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu xusay in dalalkaasi Shan ka mid ah yihiin dalalka Khaliijkam kuwaasoo kala ah,  U.A.E., Qatar, Bahrain, Jordan iyo Sacuudiga.  dowladaha Masar iyo Morocco, ayaa iyana qayb ka ah isbaheysigaasi.

Maraakiibta dagaal oo ay leedahay Masar, ayaa ku sii jeeda xeebaha dalka Yemen, si looga hortaggo in taageero xagga badda laga soo gaarsiiyo Xuuthiyiinta.

Dowladda Pakistan, ayaa ka fiirsaneysaa dalabka  dowladda Sacuudiga, kaasoo ah inay ku soo biirto isbaheysiga ay garwadeenka ka tahay, ee ka dhanka ah  Xuuthiyiinta Yemen.

Dhinaca kale dowladda Turkiga, ayaa taageertay isbaheysiga uu garwadeenka ka yahay Sacuudiga. Turkiga waxa uu soo dhaweeyay in dagaal loo dhan yahay lala galo Xuutiyiinta Yemen.

Dowladda Sacuudiga waxay sheegtay inay burburisay diyaarado iyo  Taangiyo, ay gacanta ku hayeen  XuutuyiintaYemen, waxayna sheegtay inay ka hortagtay in dagaalka loo adeegsado.

Sacuudiga waxa kaloo uu sheegay inay burburiyeen Xarunta laga abaabulo weerarrada xagga cirka ah, ee Xuuthiyiintu ka wadaan dalka Yemen. xaruntaasi oo ku taallaa Magaalada Sanca.

Diyaaradaha Sacuudiga, ayaa qorshahoodu yahay in hawada dalka Yemen ay ka dhigaan mid ka caaggan duulimaadyada si loo hakiyo weerarada xagga cirka ah, ee Xuuthiyiinta ku qaadayan Dowladda Madaxweyne Abdu Rabu Mansour Hadi.

Sacuudiga, ayaa maraakiibta uga digay inay ku soo dhawaadaan xeebaha dalka Yemen, si aan loogu arag kuwo gurmad u fidinaya malleeshiyadka Shiicada Yemen ee Xuuthiyiinta.

Previous Post

Safaaradda Mareykanka ee Kampala oo ka digtay weeraro argagixiso oo ka dhaca dalka Uganda

Next Post

Ciidamada ammaanka oo maanta qabtay hub iyo rasaas ay Shabaab ku aasteen guryo ku yaalla Deyniile

Next Post
Ciidamada ammaanka oo maanta qabtay hub iyo rasaas ay Shabaab ku aasteen guryo ku yaalla Deyniile

Ciidamada ammaanka oo maanta qabtay hub iyo rasaas ay Shabaab ku aasteen guryo ku yaalla Deyniile

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii-hayaha Wakiilka Xoghayaha Guud...

Madaxweynaha  Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

April 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

April 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta si rasmi ah u gudbisay nuqulka...

Wasiirka Maaliyadda XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Washington

Wasiirka Maaliyadda XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Washington

April 14, 2026
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhawaan gaaray magaalada Washington DC oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In