Thursday, November 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Suldaan C/kariin Maxamed: “Booqashadii madaxweynaha waxey noo aheyd dhiiri gelin”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Suldaan C/kariin Maxamed: “Booqashadii madaxweynaha waxey noo aheyd dhiiri gelin”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Salaadiinta iyo odayaasha ku dhaqan gobollada dhexe ayaa soo dhaweeyay booqashadii uu madaxweynaha Jamhuuriyadda ku tagay Dhuusamareeb iyo is afgaradkii laga gaaray wadahadalladii uu madaxweynuhu la yeeshay odayaasha.

Suldaan C/kariin Maxamed Maxamuud ayaa Radio Muqdisho u sheegay ineey aad iyo aad ugu farxeen booqashada madaxweynaha iyo is afgaradka laga gaaray wadahadalladii uu madaxweynuhu la qaatay samadoonnada.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

November 27, 2025
Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

November 27, 2025

“Nasiibbaan u yeelanay in madaxweynuhu na soo booqdo uu nala joogo aad iyo aadbaana loo soo dhaweeyay waana ku faraxsanahay, wuxuuna beelaha iyo ergooyinka kala hadlay dhismaha maamulka labada gobol Galgaduud iyo Mudug” ayuu yiri Suldaan C/kariin  Maxamed Maxamuud.

Suldaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in booqashada madaxweynuhu ay u tahay dhiirigelin islamarkaana si wanaagsan la isugu afgartay wadahadalladii uu madaxweynuhu la qaatay beelaha iyo ergooyinka.

Wuxuu hoosta ka xariiqay Suldaan C/kariin in shirka maamul u sameynta gobollada dhexe uu qabsoomi doono islamarkaana uu hergeli doono maamul goboleed ay yeeshaan labadaasi gobol, kaasoo leh karti iyo awood waxqabad.

 

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay gobolka Mudug oo ay ka jirtay abaar iyo biyo la’aan

Next Post
Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay gobolka Mudug oo ay ka jirtay abaar iyo biyo la’aan

Roobab mahiigaan ah oo ka da'ay gobolka Mudug oo ay ka jirtay abaar iyo biyo la'aan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

November 27, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulanka 9-aad ee...

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

November 27, 2025
0

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ka socda magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisa afaraad, iyadoo maanta lagu soo bandhigay dood...

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

November 27, 2025
0

War-saxaafadeedka.   Muqdisho, 27 Nofeembar 2025 Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay shabakad Khawaarij ah...

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga todobaad kulankiisa 15-aad, waxaana shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In