Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo ka qeyb galaya Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo ka qeyb galaya Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

27 Maarso 2015, Sharm El Sheikh: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka degey magaalada Sharm El Sheikh ee waqooyiga Masar, oo uu kaga qeybgeli doono shir madaxeedka Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha si diiran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el Sisi iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Masar.

Related posts

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

January 13, 2026
Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

January 13, 2026

Labada madaxweyne ayaa garoonka ku yeeshay wadahadal kooban oo ay isaga xog wareysteen xaaladaha labada waddan iyo xiriirka ka dhexeeya.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ee ka qeybgali doona shir madaxeedka ayaa waxaa ka mid ah wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Maaliyadda, Cabdisalaam Hadliye Cumar iyo Maxamed Aadan Ibraahim, iyo weliba mas’uuliyiin kale.

Shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ee sannadkan ayaa ajendaha ugu weyn waxaa uu noqon doonaa xasaradda ka aloosan Yemen, mashaakilaadka ka taagan waddamada kale ee Carabta iyo dagaalka caalamiga ee ka dhanka ah argagixisada.

-DHAMMAAD-

Previous Post

Madaxweynaha Dalka Oo Dhambaal U Diray Boqorka Cumaan

Next Post

DEG DEG: Ciidammada ammaanka oo la wareegay amniga Hotelka Maka Al-Mukarama

Next Post
DEG DEG: Ciidammada ammaanka oo la wareegay amniga Hotelka Maka Al-Mukarama

DEG DEG: Ciidammada ammaanka oo la wareegay amniga Hotelka Maka Al-Mukarama

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

January 13, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Meru Mutuma M'Ethingia iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya ee...

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

January 13, 2026
0

Kulanka Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sacuudiga, oo uu shir-guddoominayay Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis Aala Sacuud, ayaa si cad u muujiyay in...

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

January 13, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey go'aanka Golaha Xukuumadda...

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

January 13, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ay qeyb ka yihiin Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka JFS ayaa goordhow gaaray Caasimadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In