Monday, June 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Ammaanka ee Kenya oo sheegay inay qabteen haween lala xiriirinayo Al-Shabaab

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 30, 2015
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay saddex haween ah oo lagu tuhmayo in xiriir la leeyihiin maleeshiyaadka UGUS.               ‘

Hay’adaha ammaanka Kenya ayaa gacanta ku dhigay ilaa 3 ruux o haween ah kuwaasi oo  sida Kenya ay shegeeyso loogu tuhmayo in ay xiriir laleeyihiin falaagada ugus kuwaasi oo lagu hayo magaala xeebeedka mumbaasa ee Kenya.

Related posts

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay kulan Wacyigelin oo ku saabsan Doorashooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay kulan Wacyigelin oo ku saabsan Doorashooyinka

June 16, 2025
Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Bakool

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Bakool

June 15, 2025

Guddoomiyaha magaalada Mombasa ee Kenya Nelson Marwa ayaa sheegey in saddexda haween laga qabtay magaalada Ceelwaaq oo ku taala xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya, loogana shaki qabo in ay ku biiraan Al-Shabaab, isagoo xusay in ay ka soo tageen Mombasa oo ay ku soo wajahnaayeen Soomaaliya.

Labo ka mid ah haweenkaasi oo da’doodu u dhexeysa 20-21 jir waxa ay u dhasheen Kenya halka haweeneyda saddexaad ay ka soo jeeddo wadanka Tanzania, kuwaasi oo ay iminka ku socoto baaritanno dheeraad ah.

Umul qeyr Sadir Cabdulle oo 19 jir ah oo hogaaminaysay saddexdaasi gabdhood ayaa ilo wareedyo laga helayo laamaha ammaanka ee dalka Kenya waxa ay sheegayaan in dadkaasi ay ku biiri rabeen Ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed ee UGUS.

Hay’adaha ammaanka Kenya ayaa sheegaya in dadaka ugu badan oo isku dayaya in ay ku biiraan kooxaha argagixsada ay ka soo baxayaan magaalooyinka, Mombasa, Malinda, iyo kuwa kale, iyadoo  saraakiishu ay tilmaameen inay xabsiyada u taxaabeen 54 ruux oo laga shakisanyahay.

Qaar kamid ah dalalka reer galbeedka ayaa uga digay muwaadiniintooda in ay u safraan Kenya iyo Uganda ayado  dowladda Kenya shalay ay shaacisay in ammaanka dalkeeda uu soo hagaagayay bilihii la soo dhaafay

 

 

Previous Post

Wasiirka Amniga: “Dhalinyarada la marin habaabiyay ee Shabaabka ku haray, ha isa soo dhiibaan”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay kulan Wacyigelin oo ku saabsan Doorashooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay kulan Wacyigelin oo ku saabsan Doorashooyinka

June 16, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarunta Degmada Yaaqshiid kaga qeyb galay...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Bakool

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Bakool

June 15, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sadexdii cisho ee u dambeysay si isdaba joog ah hawlgallo amni xaqiijin ah uga fuliyey...

Madaxweyne Xasan Sheekh”Madaxda Dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan”

Madaxweyne Xasan Sheekh”Madaxda Dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan”

June 15, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in madaxda dowladda ay...

Wasiirka Caafimaadka oo ka qayb galay shir caalami ah oo looga hadlayay barnaamijka “One Health”

Wasiirka Caafimaadka oo ka qayb galay shir caalami ah oo looga hadlayay barnaamijka “One Health”

June 15, 2025
0

RADIO MUQDISHO:Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa magaalada Tunis uga qayb galay shir heer...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In