Sunday, May 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

SIMAD: Macallimiin PhD iyo Master dibadda ku soo diyaariyay oo la soo dhaweeyay-SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
SIMAD: Macallimiin PhD iyo Master dibadda ku soo diyaariyay oo la soo dhaweeyay-SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Jaamacadda SIMAD wuxuu maanta xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay 17 macallin oo soo dhammeysatay waxbarashada sare PhD iyo Master-ka, kuwaas oo ay jaamacadu horay u siisay deeq waxbarasho oo dalka dibaddiisa ah.

Afar ka mid ah dadka ka faa’iideystay mashruucan ayaa soo qaatay PhD, halka saddex iyo toban kale ay soo qaateen master degree. Aqoonyahannadan ayaa wax ku soo bartay dalal ay ka mid yihiin Thailand, Malaysia, Uganda iyo Kenya. “ Waxaan u mahadcelinaynaa Jaamacadda SIMAD oo noo suurta gelisay fursaddan qaaliga ah ee aan waxbarashadeena sare ugu qaadayno” ayuu yiri Saalax Cali Xasan oo shahaaddada labaad ee Cilmiga Computer-ka ku soo diyaariyay waddanka Thailand.

Related posts

Musharrax Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo ka codeeyay Baydhaba

Musharrax Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo ka codeeyay Baydhaba

May 10, 2026
Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

May 10, 2026

Sidoo kale Dr. Bashiir Cabdisamad Xareed oo maaddada xisaabaadka ka soo diyaariyay PhD ayaa sheegay in fursadaha la siiyo dadka ee cilmigooda lagu kobcinayo uu si guud wax ugu soo kordhinayo bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaan rabaa in aan halkaan ka cadeeyo in wixii aan soo baranay si daacadnimo ah oo karti ku jirto ugu shaqeyn doono bulshada Soomaaliyeed iyo jaamacadda SIMAD” ayuu yiri.

???????????????????????????????

Gudoomiyaha Jaamacada SIU Dr. Yaxye Cali Ibraahim oo xafladdan ka qeyb galay ayaa sheegay in hay’adaha waxbarashada dalku ay kaalintooda qaadan karaan marka ay bixiyaan qiimo iyo dadaal joogto ah, tallaabada ay jaamacadda SIMAD ku soo saareyso aqoonyahanno gudaha ah ayuu ku sheegay mid lagu dayan karo si loo xoojiyo heerka tacliinta sare ee wadanka.

“Waa tusaale wanaagsan Jaamacadda SIMAD, waxaa fiican inay ku daydaan hay’adaha ka shaqeeya tacliinta sare ee dalka, iyadoo aan sidaa la yeelin wax lagama bedeli karo tayaynta waxbarashada dalka” ayuu yiri Dr. Yaxye.

Sidoo kale hormuudka jaamacadda Jazeera Dr. Ibraahim Xasan Maxamed ayaa yiri “Runtii waa talaabo geesinimo leh, waa talaabo amaan mudan, waa talaabo sharaf leh, waa talaabo ku dayasho mudan maxaa yeelay Jaamacadaha loogama baranin in ardayda dhameysata heerka koowaad ay siiyaan in ay fursad ay ku helaan heerka labaad iyo sedaxaad”.

Guddoomiyaha jaamacadda SIMAD, Daahir Xasan Carab ayaa u hambalyeeyay aqoonyahannada ka faa’iideystay deeqda waxbarasho ee ay jaamacaddu siisay,

Wuxuu caddeeyay in qorshaha jaamacadda uu yahay in sare loo qaado tirada macallimiinta jaamacadda ee haysata PhD iyo Master si bulshada ay wax badan ugu soo kordhiyaan.

“Istiraatiijiyada ah in la helo dad leh aqoon sare (jaamacadda) aad ayay ugu go’an tahay, waxuuna Jaamacadda qorshaheedu yahay in sanad kasta ay dirto 5 arday oo soo diyaarisa shahaaddada PhD, taas oo aan rabo hadduu Alle idmo in sanadka 2020-ka dadka PhD haysta ee Jaamacadan jooga ay gaaraan 20% halka ay maanta yihiin 6%” ayuu yiri guddoomiye Daahir Carab.

Sanadkii 2004, ayay jaamacadda SIMAD billowday mashruucan kor loogu qaadayo aqoonta macallimiinta, taas oo ay ka helayaan waxbarasho sare oo deeq dibadda ah, waxaa ka faa’iideystay 77 qof halka hadda ay dibadda ku maqan yihiin ku dhawaad 30 arday oo soo diyaarineysa shahaaddada labaad ee Marter-ka iyo waliba PhD.??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????
??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

Previous Post

Mas’uuliyiin ka tirsan PDP oo deeq lacageed gaarsiiyay Carruur isku dhegan”SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

PRESS RELEASE;Federal Government Reaffirms Right to Peaceful Assembly and Warns Against Violent Political Mobilization

PRESS RELEASE;Federal Government Reaffirms Right to Peaceful Assembly and Warns Against Violent Political Mobilization

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-The Federal Government of Somalia reaffirms its full respect for the constitutional rights of citizens to peaceful assembly, expression,...

Musharrax Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo ka codeeyay Baydhaba

Musharrax Aadan Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo ka codeeyay Baydhaba

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Musharrax Madaxweyne, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan XFS ayaa ka codeeyay magaalada...

Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Shacabweynaha deegaannada Koonfur Galbeed waxaa si rasmi ah saakay uga bilowday doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Golaha...

DAAWO SAWIRRO:-Diyaar garowga doorashooyinka qof iyo cod ee gobolka Bakool

DAAWO SAWIRRO:-Diyaar garowga doorashooyinka qof iyo cod ee gobolka Bakool

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL):-Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta loo asteeyay, si ay uga qayb galaan doorashada golayaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In