Tuesday, September 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaaliyada Soomaaliyeed ee Sweden oo soo dhaweysay wasiirka qorsheynta- SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Jaaliyada Soomaaliyeed ee Sweden oo soo dhaweysay wasiirka qorsheynta- SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad si qurux badan ay u soo agaasimeen jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Stockholm laguna soo dhaweynayey Wasiirka wasaarada qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah mudane C/raxmaan Ceynte iyo wafdiga balaaran oo uu hogaamanyo ayaa lagu qabtay magaalada Stockholm ee xarunta dalka Sweden iyadoo ay ka qayb galeeen boqolaal jaaliyada ka tirsan.

Xafladan oo aheyd casho sharaf ayaa  madax iyo wakiilo matayey bulshada Soomaaliyeed ee Sweden ay goobta ku soo dhaweeyay  Wafdiga balaaran ee uu wasiirka Qorsheynta hogaaminayo, waxaa kaga xogwaramay xaalada guud ee dadka Soomaaliya ee ku nool sweden iyo sida ay ugu hamuun qabaan dalkooda hooyo, iyaga oo goobtana  wasiirka ugu dhiibay talooyin wax ku ool ah iyo fariin ay ka wada sinaayeen bulshada reer Sweden oo ah in la helo safaarada ummadda Soomaaliyeed ku matasha Scanvina.m

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026

Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta iyo Dalxiiska mudane C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi oo xaflada soo dhaweynta qeyb ka ahaa ayaa ka mahadceliyey sida quruxda badan ee reer sweden u soo dhaweeyeen, isaga oo amaanay isku duubnida iyo  doorka ay ku leeyihiin qurba joogta dib u dhiska iyo horumarka dalka.

Wasiirka wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah mudane C/raxmaan Sh. Yuusuf Ceynta oo gunaanadkii xaflada la hadlay  Jaaliyada Soomaaliyeed ayaa balan qaaday dhamaan farimihii iyo talooyinkii loo dhiibay in uu dalkii kula noqon doono , waxa uuna  warbixin dheer ka bixiyey xaalada guud ee dalka dhinacyada siyaasada iyo horumarka muuqda, isaga oo ku celceliyey  qurba joogto in ay yihiin kuwa  kaalinta ugu weyn ka qaatay badbaadinta dadka Soomaaliyeed ee gudaha ku nool.

jaaliyad4 jaaliyad8 jaalyad2 Jaliyad1 wasiirka wasiirka1

bahlawi

Previous Post

Qaar ka mid ah Diblomaasiyiin ka howlgala Safaaradaha Soomaaliya oo Tababar ugu soo idlaaday dalka Turkiga {SAWIRRO}

Next Post

Shir Dib U Heshiisiin Iyo Aayo Ka Talinta Gobolka Hiiraan Oo Beledweyne Ka Furmay

Next Post
Shir Dib U Heshiisiin Iyo Aayo Ka Talinta Gobolka Hiiraan Oo Beledweyne Ka Furmay

Shir Dib U Heshiisiin Iyo Aayo Ka Talinta Gobolka Hiiraan Oo Beledweyne Ka Furmay

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa deeq gargaar raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo nugul oo ku nool magaalada...

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026
0

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta amniga...

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
0

Wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In