Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir C/salaan Hadliye: “Soomaalida Yemen ku xaniban dalkooda ayaan dib ugu soo celineynaa”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 years ago
in Wararka
0
Wasiir C/salaan Hadliye: “Soomaalida Yemen ku xaniban dalkooda ayaan dib ugu soo celineynaa”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda arrimaha dibadda iyo maalgeshiga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa sharaxaad ka bixiyay qorshaha Wasaaraddu ugu talagashay xoojinta xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dalalka caalamka, iyo sidii dib dalkooda loogu soo celin lahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee ku xaniban dalka Yemen.

Wasiirka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada amniga ay ku guuleysteen in 90% ay gacanta ku dhigeen dalka, ayna xaqiijiyeen sugidda Nabadgelyada Caasimadda, taasna ay keentay in ay sii xoogeysato xiriirka ay Soomaaliya la leedahay beesha caalamka, isla markaana dowr safaaradood laga furay Muqdisho.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026

“Jaaliyadaha Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan way ka qeyb qaataan horumarinta dalka, waxa ayna yihiin kuwa isku duuban oo u taagan inay xoojiyaan isku xirka bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, marka howshii ugu weyneyd way qabtaan” ayuu yiri Mudane Cabdisalaan Hadliye.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaalida ku nool dalka Yemen ay qorsheyneyaan sidii dalka dib loogu soo celin lahaa, si aysan u saameyn dhibaatada ka taagan Yemen.

“Qaxooti badan oo Soomaaliyeed ayaa ku nool dalka Yemen, marka waxaan qorsheyneynaa in aan dib ugu soo celino gudaha dalka, si aysan saameyn ugu yeelan rabshadaha ka taagan dalka Yemen, tan kale arrintan waqti ayay qaadaneysaa, waxaana la kaashan doonaa dowladaha aan saaxiibka nahay” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Previous Post

Wasiir ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha: “Waxaan qorsheynaynaa inaan dib ula wareegno xarumihii Wasaaradda”

Next Post

maamulka degmada Yaaqshiid oo dadkii lahaa ku wareeejiyay guri 25 sanno laga haystay

Next Post
maamulka degmada Yaaqshiid oo dadkii lahaa ku wareeejiyay guri 25 sanno laga haystay

maamulka degmada Yaaqshiid oo dadkii lahaa ku wareeejiyay guri 25 sanno laga haystay

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In