Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir C/salaan Hadliye: “Soomaalida Yemen ku xaniban dalkooda ayaan dib ugu soo celineynaa”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 1, 2015
in Wararka
0
Wasiir C/salaan Hadliye: “Soomaalida Yemen ku xaniban dalkooda ayaan dib ugu soo celineynaa”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda arrimaha dibadda iyo maalgeshiga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa sharaxaad ka bixiyay qorshaha Wasaaraddu ugu talagashay xoojinta xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dalalka caalamka, iyo sidii dib dalkooda loogu soo celin lahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee ku xaniban dalka Yemen.

Wasiirka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada amniga ay ku guuleysteen in 90% ay gacanta ku dhigeen dalka, ayna xaqiijiyeen sugidda Nabadgelyada Caasimadda, taasna ay keentay in ay sii xoogeysato xiriirka ay Soomaaliya la leedahay beesha caalamka, isla markaana dowr safaaradood laga furay Muqdisho.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

“Jaaliyadaha Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan way ka qeyb qaataan horumarinta dalka, waxa ayna yihiin kuwa isku duuban oo u taagan inay xoojiyaan isku xirka bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, marka howshii ugu weyneyd way qabtaan” ayuu yiri Mudane Cabdisalaan Hadliye.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaalida ku nool dalka Yemen ay qorsheyneyaan sidii dalka dib loogu soo celin lahaa, si aysan u saameyn dhibaatada ka taagan Yemen.

“Qaxooti badan oo Soomaaliyeed ayaa ku nool dalka Yemen, marka waxaan qorsheyneynaa in aan dib ugu soo celino gudaha dalka, si aysan saameyn ugu yeelan rabshadaha ka taagan dalka Yemen, tan kale arrintan waqti ayay qaadaneysaa, waxaana la kaashan doonaa dowladaha aan saaxiibka nahay” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

 

Previous Post

Wasiir ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha: “Waxaan qorsheynaynaa inaan dib ula wareegno xarumihii Wasaaradda”

Next Post

maamulka degmada Yaaqshiid oo dadkii lahaa ku wareeejiyay guri 25 sanno laga haystay

Next Post
maamulka degmada Yaaqshiid oo dadkii lahaa ku wareeejiyay guri 25 sanno laga haystay

maamulka degmada Yaaqshiid oo dadkii lahaa ku wareeejiyay guri 25 sanno laga haystay

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In