Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

maamulka degmada Yaaqshiid oo dadkii lahaa ku wareeejiyay guri 25 sanno laga haystay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 1, 2015
in Wararka
0
maamulka degmada Yaaqshiid oo dadkii lahaa ku wareeejiyay guri 25 sanno laga haystay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gurigaan oo ku yaala Xaafada Baar ayaan Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa maanta maamulka degmadaasi waxaa uu ku wareejiyay dadkii iska lahaa oo  mudo 25 sano ah laga haystay sida ay warbaahinta Qaranka u sheegeen  iyadoo arintani ay qayb ka tahay dadaalo dhawaanahaanba uu waday maamulka gobolka oo dadka hantida kala haysta loogu kala celinayo.

Garaad Siciid Cali Yuusuf oo ah milkiilaha gurigaan maanta maamulka degmada Yaaqshiid uu wareejiyay  ayaa waxaa ka mahad naqay talaabadaan uu qaaday maamulka gobolka Banaadir waxaana uu sheegay in Boosaaso uu uga yimid in gurigiisa uu helo taasna ay muujineyso cadaalad in ay ka jirto magaalada caasimada ah.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan helo gurigeyga oo 25 sano iga maqnaa aad ayaan ugu mahadnaqayaa maamulka degmada aad ayaan ugu mahadnaqayaa maamulka gobolka Banaadir waxaan leeyahay Muqdisho cadaaladii ayaa soo laabatay cid kasta oo hanta ka maqantahay waxaan leeyahay imaada oo hela hantidiina sida aniga oo kale boosaaso markaan tago amaanka caasimada ayaana halkaa gaarsiinaa”ayuu yiri Garaad Siciid Cali Yuusuf.

Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir Cusmaan Maxamuud Cadaawe ayaa ku wareeejiyay garada gurigiisa waxaana uu sheegay in ay qayb ka tahay arintani dadaalada dhawaanahaanba uu uu waday maamulka degmada oo gacan ka helay kan gobolka .

“waxaan leenahay waa mid ka mid howlaha bulshada uu maamulku u hayo dhawaanahaanba waxaan wadnay in dadka hantida laga haysto aan u soo celino cidii sharci u haysatacid kasta oo dhul laga haysto maamulka hala soo xiriirto si aan ugu soo celino cadaalada ayaa shaqeyneysa waa dhamaadeen wixii hore”ayuu yiri Mr Cadaawe.

Previous Post

Wasiir C/salaan Hadliye: “Soomaalida Yemen ku xaniban dalkooda ayaan dib ugu soo celineynaa”

Next Post

Madaxweynaha Jubaland oo waddo Kismaayo dhexmarta dhagax dhigay

Next Post
Madaxweynaha Jubaland oo waddo Kismaayo dhexmarta dhagax dhigay

Madaxweynaha Jubaland oo waddo Kismaayo dhexmarta dhagax dhigay

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In