Kulanka golaha wasiirada oo uu shir gudoominayay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma,arke ayaa looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin arimaha amaanka iyadoo warbixin laga dhageystay wasiirada Gaashandhiga iyo amniga kuwaasoo ay kamid yihiin howlgallada ka socda dalka gaar ahaan weerarkii ka dhacay hotel Makah Al_ Mukaramah iyo dabagaladii ay wadeen gudgii loo xil saaray,
Golaha wasiirada ayaa sidoo kale dhageystay warbixin ay keentay wasaardda caafimaadka Soomaaliya taasoo ku saabsaneyd daawo ay dowladda Sucuudigu ugu deeqday dalkeena iyo sida ay u maamushay wasaaradda caafimaadka iyadoo si faah faahsan looga hadlay.
Dhinaca kale golaha wasiirada ayaa ansixiyaya hindise sharciyeedka la dagaalanka Argagaxisada kaasoo horay golaha ay u hor geysay wasaaradda amniga Qaranka ee Xukuumadda Soomaaliya,
Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa golaha hor geysay soojeedin ku aadan in la magacaabo dhowr safiir oo safaaradahoodu xiligan ay banaanyihiin inakstoo aan la ogeyn in goluhu isla maanta go,aan ka gaari doonaan iyo dib loo dhigo