Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Hobyo oo sheegay iney gacanta ku hayaan Dooni si sharci darro ah uga kalluumeysaneysay xeebaha dalkeena

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Maamulka Hobyo oo sheegay iney gacanta ku hayaan Dooni si sharci darro ah uga kalluumeysaneysay xeebaha dalkeena
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa ka warbixiyay howlgal ay ciidamada badda ee maamulka Galmudug  ku soo qabteen Dooni shisheeye oo si sharci darro ah uga kalluumeysanayay xaabeha ku dhow degmadaasi.

Gudoomiyaha degmada Hobyo Maxamuud Maxamed Cawaale oo la soo xiriiray Radio Muqdisho ayaa sheegay in hadda ay gacanta ku hayaan Dooni laga leeyahay dalka Iran, taasoo si sharci darro ah uga kalluumeysaneysay xeebaha Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Related posts

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025

Wuxuu intaa ku daray in Doonidani ay habeen ka hor gacanta ku soo dhigeen ciidamada ilaalada xeebaha ee maamulka Galgudug, xilli ay si sharci darro ah uga kalluumeysaneysay xeebaha deegaanka Hobyo.

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in ciidamada soo qabtay Doonidani uu dhawaan tababar ugu soo dhamaaday dalka jabuuti,islamarkaana ay howlgallo ka wadaan xeebaha deegaanka Hobyo.

Sidoo kale gudoomiyaha degmada Hobyo ayaa xusay in Doonidaasi iyo shaqaalihii saarnaaba ay bed qabaan, wuxuuna u mahadceliyay ciidamada ilaalada xeebaha ee maamulka Galmudug oo uu sheegay iney ku guuleysteen soo qabashada Doonidaasi.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in Doonidaasi aysan sidan wax dekominti ah oo u fasaxaya ineey ka kaluumeysato xeebaha dalkeena, isagoo caddeeyay in doonidaasi ay si sharcidarro ah uga kaluumasaneysay biyaha dalkeena Soomaaliya.

Previous Post

NUSOJ oo ku baaqday in Si Shuruud La’aan ah loo Sii Daayo Labo weriye oo Muqdisho iyo Berbera ku kala Xiran

Next Post

Madaxweynaha Mareykanka oo cambaareeyay weerarkii ka dhacay jaamacadda Gaarisa

Next Post
Madaxweynaha Mareykanka oo cambaareeyay weerarkii ka dhacay jaamacadda Gaarisa

Madaxweynaha Mareykanka oo cambaareeyay weerarkii ka dhacay jaamacadda Gaarisa

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

October 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa kulan la...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In