Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

NUSOJ oo ku baaqday in Si Shuruud La’aan ah loo Sii Daayo Labo weriye oo Muqdisho iyo Berbera ku kala Xiran

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 3, 2015
in Wararka
0
NUSOJ oo ku baaqday in Si Shuruud La’aan ah loo Sii Daayo Labo weriye oo Muqdisho iyo Berbera ku kala Xiran
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ururka Suxufiyiinta Qaramla Soomaaliyeed ayaa si kulul u cambaaraayay xarigyo is xig-xiga oo labo weriye xabsiyada Muqdisho iyo Berbera loogu taxaabay maalmihii Talaada iyo Arbacada ee la soo dhaafay, iyadoo ururku ku baaqay in bilaa shuruud wariyayaasha lagu sii daayo, laguna ixtiraamo weriyayaasha howsha adag ee naf hurnimada ah ee ay ugu adeegayaan Shacabka.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dowladda Federalka ah in si deg deg ah loo sii daayo weriye Cabdifatax Xasan Kalgacal oo subaxnimadii Talaadada, 31 March 2015 ay ciidamada Booliska gurigiisa ka soo kaxeysteen, iyadoo loo gudbiyay Xarunta dembi baarista oo maalintii Saddexaad uu ku xiran yahay, iyadoo laamaha amniga weli aanay ka hadal arrinta weriyaha iyo sababaha loo soo xiray toona.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Weriye Kalgacal waxa uu ahaa weriyaha Baarlamaanka uga soo warama Idaacadda Goobjoog, isla markaana ah weriyaha keli ah ee isagoo “indho la’aan ah” xirfadda warbaahinta ugu shaqeeya si waafaqsan Anshaxa Saxaafada.

“Weriye Kalgacal waxa uu xabsiga ku jiraa maalintii sadexaad, Iyadoo sabab uu xiran yahayna aanu boolisku caddeynin,” Maxamed Ibrahim, Xoghayaha Guud ee NUSOJ ayaa intaa ku daray, “Weriye Kalgacal waa weriye ku dhiiraday in isagooI indho la’aan ah uu Shacabka ugu shaqeeyo mihnaddan xanuunka badan, sidaasi darteed, Ciidamada Boolisku waan ognahay shaqo aad u adag ayay Shacabka Soomaaliyeed u hayaan, balse xarrigga weriye Kalgacal muuqaal aan wanaagsaneyn ayuu ifinayaa.

Dhanka kale, Policeka degmada Berbera ayaa xabsiga u taxaabay maalintii shalay 01 July, 2015 weriye Axmed Siciid Maxamed oo ah wariyihii Kalsan Tv Ee Berbera, waxaana maanta maxkamada degmada Berbera ay amartay in 7 maalmood lagu hayo xabsiga. Weriyaha ayaa loo xiray warbixin la xiriirta ismaandhaaf soo kala dhex galay maamulka dekedda iyo wasaariyadda Maaliyadda, taasoo weriyuhu ifiyay dulduleelada iyo habaca meesha jiray.

“In la iska xiro weriye gudanaya waajibkiisa saxafinimo ee ah in uu bulshada wargeliyo, waxay xad gudub ku tahay dastuurka Somaliland, Kan dowladda Federalka iyo heshiisyada heer gobol iyo heer caalami ee damaanad qaadaya xorriyadda hadalka oo ay Somalia qeyb ka tahay,” Maxamed Ibrahim, Xoghayaha Guud ee NUSOJ ayaa yiri, isagoo ku baaqay in ay weriye Axmed Siciid xorriyaddiisa si shuruud la’aan ah loogu soo celiyo, lagana daayo weriyayaasha xarrigyada aan loo meel deyin ee looga gol leeyahay in lagu caburiyo xorriyada Saxaafada, dhanka kalena lagu khalkhal gelinayo suxufiyiinta.

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Maamulka Hobyo oo sheegay iney gacanta ku hayaan Dooni si sharci darro ah uga kalluumeysaneysay xeebaha dalkeena

Next Post
Maamulka Hobyo oo sheegay iney gacanta ku hayaan Dooni si sharci darro ah uga kalluumeysaneysay xeebaha dalkeena

Maamulka Hobyo oo sheegay iney gacanta ku hayaan Dooni si sharci darro ah uga kalluumeysaneysay xeebaha dalkeena

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In