Saturday, June 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Puntland oo dhagax dhigay cisbitaal iyo machad cusub “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 4, 2015
in Wararka
0
Maamulka Puntland oo dhagax dhigay cisbitaal iyo machad cusub “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta dhagax dhigay cisbitaal iyo machad caafimaad oo ay dhisanayaan dhakhaatir ka soo jeedda deegaannada Puntland, si loogu adeego bulshada halkaasi ku nool.

Xafladda dhagax dhiga waxaa ka soo qeyb-galay Gudoomiyaha Baaralamaanka Puntland Siciid Xassan Shire, Wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland, Taliyaha ciidamada Puntland Siciid Maxamed Xirsi, Dhakhaatiir, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulkaasi.

Related posts

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire ayaa dhankiisa si aad ah u soo dhaweeyey talaabada wanaagsan ee ay qaadeen dhakhaatiirta ee ku aadan dhismaha Isbitaalka iyo Machadka.

Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in xaruntaan caafimaad looga baxi doono baahida caafimaad ee dadka reer Puntland haysata.

”Siyaasadeenu waxa weeye inaanu soo dhaweyno dhammaan qurbo-joogta Soomaaliyeed ee dooneyso inay halkaan ka hirgeliyaan mashaariic kala duwan ee wax loogu qabanayo bulshada deegaannada ku nool, waxaana si gaar ah uga mahadcelinaynaa dhaqaatiirta u istaagtay in ay u adeegaan bulshadooda” ayuu yiri Eng, Cabdixakiin Cameey.

Qurba-joogta reer Puntland iyo shirkado caalami ah ayaa hada ku howlan sidii ay maalgashi uga samaysan lahaayeen guud ahaan deegaannada maamulka Puntland.

IMG_3699 IMG_3711 IMG_3712 IMG_3714 IMG_3716 IMG_3720 IMG_3724 IMG_3733 IMG_3737 IMG_3744 IMG_3760 IMG_3764

Previous Post

Jaamacadda Jamhuuriya iyo Jimciyadda ASAL oo siminaar u qabtay arday “SAWIRRO”

Next Post

Olole nadaafadeed oo ka bilowday degmada Lafoole

Next Post
Olole Nadaafadeed oo ka bilowday qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho

Olole nadaafadeed oo ka bilowday degmada Lafoole

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025
0

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha Argagixisada iyo in uu dadka ku tashkiilin jiray inay ku biiraan...

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

June 5, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cumar Maxamed, ayaa furay maalinta labaad ee Shirweynaha...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

June 5, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aaden, ayaa ka qayb galay shir heerkiisu sarreeyo oo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In