Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Olole nadaafadeed oo ka bilowday degmada Lafoole

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 4, 2015
in Wararka
0
Olole Nadaafadeed oo ka bilowday qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Degmada lafoole ee Gobolka Shabelaha Hoose ayaa waxaa xiligan si habsami leh uga socda Olole nadaafadeeed oo iska kaashanayaan shacabka iyo maamulka degmadaas, iyadoo ujeedku yahay in dadku ay ilaaliyaan bilicda degaanka isla markaana ay u diyaar garoobaan roobabka xiliga guga oo hadda gobolada dalka qaar ka curtay.

Guddomiyaha degmada Lafoole Mowliid Axmed Aadan oo ay wehliyaan Taliyaha Saldhiga booliska ee degmadaas iyo xubno kale oo ka tirsan saraakiisha Maamulka waxaa ay kormeeer ku tegeen dhowr goobood oo ka tirsan meelaha howlaha nadaafaddu ay ka socdaan, waxaana ay ku dhiiri galiyeen shaqaalaha ololaha nadaafadda wada inay sii dar dargeliyaan howsha ay ku guda jiraan.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Guddoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in ololahaan ay maalmahaan socdeen ujeedkuna yahay  in bilicda la soo celiyo, waxaana uu shacabka ugu baaqay in ay ka wada qayb qaataan ololaha Nadaafadda.

Mowliid Axmed Aadan digniin u jeediyay dadka iska leh goobaha laga cunteeyo iyo meherada kale ee ka dhisan aga gaarka waddooyinka in ay qashinka ku soo daadiyaan jidka, iyadoo ciddi lagu arka falkaasi laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Guddoomiyaha Lafoole ayaa waxaa uu sidoo kale booqasho ugu tagay maamulka wakaaladda biyaha degaanka Ceeelasha biyaha oo iyagu u soo gudbiyay cabasho, si arrimahaasi wax looga qabto.

 

Previous Post

Maamulka Puntland oo dhagax dhigay cisbitaal iyo machad cusub “SAWIRRO”

Next Post

Wasiir ku-xigeenka Amniga Gudaha: “Ciidamada amniga gacan halagu siiyo ka hortagga qatarta miinada”

Next Post
Wasiir ku-xigeenka Amniga Gudaha: “Ciidamada amniga gacan halagu siiyo ka hortagga qatarta miinada”

Wasiir ku-xigeenka Amniga Gudaha: “Ciidamada amniga gacan halagu siiyo ka hortagga qatarta miinada”

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In