Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku-xigeenka Amniga Gudaha: “Ciidamada amniga gacan halagu siiyo ka hortagga qatarta miinada”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 4, 2015
in Wararka
0
Wasiir ku-xigeenka Amniga Gudaha: “Ciidamada amniga gacan halagu siiyo ka hortagga qatarta miinada”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan lagu xusayay 4-ta April oo ah maalinta uu caalamka u aqoonsaday miinada Adduunka ayaa lagu qabtay dugsiga tababarka ciidanka booliska ee Jeneraal Kaahiye, halkaasi oo ay ka qeyb galeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga gudaha, saraakiisha hay’adaha amniga, ururrada bulshada rayidka iyo fanaaniinta kooxda Heegan ee ciidanka booliska oo goobta ku soo bandhigay suugaan ka turjumeysa dhibaatooyinka ay bulshada ku hayso miinada.

Qaar ka mid ah dadkii goobta ka hadlay waxa ay bulshada ka codsadeen in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga ee dalka, si looga hortago dhibaatooyinka ay kooxaha Shabaab ku hayaan bulshada, gaar ahaan miinooyinka ay shacabka ku dhibaateynayaan.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Sareeyo Guuto Cabdirashiid Aadan Xirsi Taliyaha akadeemiyada ee dugsiga Jeneraal Kaahiye oo ka sheekeeyay qatarta miinada ayaa xusay in shacabka looga fadhiyo inay u istaagaan sidii ay ula shaqeyn lahaayeen ciidamada Nabadgelyada.

“Waa maalin ku aadan sida hal meel loogu wada istaagi lahaa dhibaatada miinada ee xagga shacabka ku hayso, waayo waa wax lagu baabi’iyo shacabka, marka waxaan bulshadeena ka codsaneynaa si loo yareeyo dhiaatada miinada, in ciddi ay uga shakiyaan arrimahan ay ku soo wargeliyaan hay’adaha amniga, si looga hortago qatarta miinada” ayuu yiri Jeneraal Cabdirashiid.

Ugu dambeyntii Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Maxamed Cali ayaa sheegay in xilli kasta ay ciidamada ammaanka u taaganyihiin ka hortagga qatarta miinada.

“Ciidanka qalabka sida maalin kasta waxa ay u taaganyihiin sidii shacabka looga hortagi lahaa dhibaatada miinada, Islaamka ma qabo in dadka la iska laayo, marka waxaan idinka rabnaa in aad gacan nagu sii saan sidii aan ula dagaalami lahayn dadka arrimaha nuucani oo kale ku howlan”.ayuu yiri Wasiir ku-xigeenke Amniga gudaha.

Wadamo badan oo Soomaliya ay ku jirto ayaa laga xusay maalinta miinada Adduunka oo ku beegan 4 April oo ah maalinta uu caalamka u aqoonsaday.

IMG_6482 IMG_6484 IMG_6486 IMG_6488 IMG_6489 IMG_6491 IMG_6493 IMG_6494 IMG_6497 IMG_6507 IMG_6509 IMG_6511 IMG_6513 IMG_6516 IMG_6518 IMG_6523 IMG_6533 IMG_6534 IMG_6535 IMG_6547 IMG_6566 IMG_6567

Sawir Qaade:- Qadar Cali Nuur

 

 

Previous Post

Olole nadaafadeed oo ka bilowday degmada Lafoole

Next Post

Qeybaha bulshada ee gobolka Galgaduud oo u hambalyeeyay howlwadeenada Warbaahinta Qaranka

Next Post
Koob lagu xusayay sanadguurada Warbaahinta Qaranka oo loo dhigay Kooxaha Heegan iyo Gaadiidka “SAWIRRO”

Qeybaha bulshada ee gobolka Galgaduud oo u hambalyeeyay howlwadeenada Warbaahinta Qaranka

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In