Friday, November 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Kooxaha Bayern Munich,Wolfsburg,Moenchengladbach iyo Bayer Leverkusen oo Guulo Gaaray “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Ciyaaraha
0
Kooxaha Bayern Munich,Wolfsburg,Moenchengladbach iyo Bayer Leverkusen oo Guulo Gaaray “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Borussia Dortmund ayaa waxaa garoonkeeda Signal Iduna Park 0-1 uga badiyay kooxda Bayern Munich.

Ciyaaryahan Robert Lewandowski oo horey ugu ciyaari jiray kooxda Dortmund ayaa daqiiqadii 36-aad ee qeybtii hore ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda Bayern Munich.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Ro gool Robe gool sadcelecalee

Kooxda Bayern Munich oo uu hogaamiyo macalin Pep Guardiola ayaa horyaalka Jarmalka ku hogaamineyso 67-dhibcood,halka kooxda Borussia Dortmund ay horyaalka uga jirto kaalinta tobanaad,iyadoo leh 33-dhibcood.

Kooxda Wolfsburg ayaa sanadka soo socda ciyaari doonto koobka Champione League-ga,ka dib markii ay garoonkeeda Volkswagen Arena 3-1 uga badisay kooxda VfB Stuttgart.

Ciyaaryahan Ricardo Rodriguez ayaa labo ka mid ah goolasha u dhaliyay kooxda Wolfsburg,halka goolka sedaxaad uu u dhaliyay ciyaaryahan Andre Schuerrle.

wolf

Kooxda Wolfsburg ayaa kaalinta labaad uga jirto kala horeynta horyaalka Jarmalka,waxana ay leedahay 57-dhibcood,halka kooxda Stuttgart ay ugu hooseya Horyaalka.

Kooxda Hoffenheim ayaa waxaa garoonkeeda Wirsol Rhein-Neckar-Arena 1-4 uga badiyay kooxda Borussia Moenchengladbach.

Ciyaaryahan Patrick Herrmann ayaa labo ka mid ah goolasha u dhaliyay kooxda Moenchengladbach,halka labada gool ee kale ay u kala dhaliyeen ciyaaryahanada kala ah Max Kruse iyo Raffael.

Kooxda Borussia Moenchengladbach ayaa kaalinta sedaxaad uga jirto kala horeynta horyaalka Jarmalka,waxana ay leedahay 50-dhibcood,halka kooxda Hoffenheim ay horyaalka uga jirto kaalinta todobaad,iyadoo leh 37-dhibcood.

Kooxda Bayer Leverkusen ayaa garoonkeeda BayArena 4-0 uga badisay kooxda Hamburger SV.

Ciyaaryahan Stefan Kiessling ayaa labo ka mid ah goolasha u dhaliyay koxoda Bayer Leverkusen,halka labada gool ee kale uu u dhaliyay ciyaaryahan Gonzalo Castro.

Kooxda Bayer Leverkusen ayaa kaalinta afaraad uga jirto kala horeynta horyaalka Jarmalka,waxana ay leedahay 48-dhibcood,halka kooxda Hamburger ay ka mid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Kooxda Freiburg ayaa garoonkeeda Schwarzwald-Stadion 1-0 uga badisay kooxda FC Cologne.

Ciyaaryahan Mike Frantz ayaa daqiiqadii 37-aad ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda Freiburg.

Kooxda FC Cologne ayaa kala horeynta horyaalka Jarmalka uga jirto kaalinta 12-aad,waxana ay leedahay 30-dhibcood,halka kooxda Freiburg ay horyaalka uga jirto kaalinta 14-aad,iyadoo leh 28-dhibcood.

 

Previous Post

Kooxaha Manchester United,Swansea,Everton, Leicester City iyo QPR oo Guulo Gaaray”Sawirro”

Next Post

Kooxda Chelsea oo Xajisatay Hogaanka Horyaalka Ingiriiska “Sawirro”

Next Post
Kooxda Chelsea oo Xajisatay Hogaanka Horyaalka Ingiriiska “Sawirro”

Kooxda Chelsea oo Xajisatay Hogaanka Horyaalka Ingiriiska "Sawirro"

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

November 20, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u magacaabay Dr. Yaxya Ibraahim Macalin La-taliyaha Sare ee Siyaasadda...

Shirka Golaha Wasiirrada oo diiradda lagu saaray Abaarta Dalka

Shirka Golaha Wasiirrada oo diiradda lagu saaray Abaarta Dalka

November 20, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta ka qeyb galay shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirrada, kaas...

Wasaaradda Haweenka oo Xustay 10 sano guurradii heshiiska Xuquuqda Carruurta ee QM.

Wasaaradda Haweenka oo Xustay 10 sano guurradii heshiiska Xuquuqda Carruurta ee QM.

November 20, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka qayb galay munaasabad lagu xusayo sanad...

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay heshiisyo caalami ah.

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay heshiisyo caalami ah.

November 20, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In