Wednesday, April 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye: “Waxaan shahaadooyin guddoonsiinay dad aan u aragnay inay wax u qabteen bulshada” SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Wasiir Maareeye: “Waxaan shahaadooyin guddoonsiinay dad aan u aragnay inay wax u qabteen bulshada” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu xusayay dib u howlgelinta Warbaahinta Qaranka, isla markana dib loogu furayay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, iyadoo shahaadooyin lagu abaalmariyay dad ay madaxda Wasaaraddu u arkeen inay howlkarnimo muujiyeen, isla markaana bulshadooda wax u qabtay.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dadka shahaado sharafta la guddoonsiiyay ay yihiin dad ay Wasaaraddu u garatay inay howlo u qabteen bulshada, isagoo xusay in qofkasta ay shahaadadiisa ku qorantahay waxa uu ku muteystay in shahaadada la guddoonsiiyo.

Related posts

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

April 15, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

April 15, 2026

“20 iyo dhowr sano ayaan ku soo jirnay dhibaatooyin badan, dad badan ayaa dadaalay, marka waxaan caawa halkaan shahaado sharaf guddoonsiineynaa sideed halgamayaal aan u aragnay inay wax wanaagsan sameeyeen, waxaan kaloo u aragnay in tani ay tahay bilow fiican, qofkasta waxaan u sameynay shahaado calanka Soomaaliya ku wareegsanyahay, waxaana ku qornay magacyadooda iyo waxa ay qabteen” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Agaasimaha Warbaahinta Qaranka Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaalla oo ka hadlay munaasabadda lagu xusayay dib u howlgelinta Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dadka shahaadada sharafta lagu abaalmariyay ay yihiin dad u adeegay bulshadooda, oo u qabtay wax wanaagsan.N40A4888

  1. Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo shahaadada lagu abaalmariyay ku muteysan dadaalkiisa ku aadan ka digista qatarta xagjirnimada diimeed.N40A4907
  2. Dr Cabdiraxmaan Cali Cawaale (Xabeeb) oo ku muteystay wax u qabashada dadka dhimirka la’ oo ay ku jiraan dad badan oo ku dayacnaa waddooyinka Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka.N40A4943
  3. Marwo Canab Xasan Cilmi guddoomiye ku-xigeenka Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo iyana ku muteysatay dadaalka ku wajahnaa u soo taagnaanshiyaha ku wargelinta shacabka horumarka dalka.N40A4958
  4. Mudane Maxamuud Xareed Dhageey oo isna ku muteystay dib u soo nooleynta ganacsiga dalka iyo soo jiidashada dadka dalxiisayaasha ah,

Waxaa kaloo jirta afar qof oo goobta ka maqneyd kuwaasi oo lagu abaalmariyay shahaado sharaf waxayna kala yihiin

Axmed Jaamac Maxamed (Axmed Village) oo shahaado sharafta ku muteystay dib u soo nooleynta horumarinta ganacsiga dalka oo xanuun darteed xafladda uga maqnaa.

N40A4984

Farxiyo Maxamuud Mire oo ku muteysatay u gar gaaridda dadka dhiban ee aan dalka wax looga qaban Karin, waxaana ka mid ahaa dadkii ay wax u qabatay Axmedeey Cabdi Gaashaan oo ku dhaawacmay xuska 4-ta April ee dib u howlgelinta Telefishinka oo ku sugan dalka dibadiisa, waxaana shahaada sharafta u guddoontay Wariye Muno Cumar Xasan oo ka tirsan Warbaahinta Qaranka.

Abuukar Jaamac Cawaale (Qaad-diid) oo ku muteystay sida uu ugu halgamayo la dagaallanka qaadka, waxaana uu sabab u ahaa in qaadka laga joojiyo dalka Ingiriiska, isagoo ololaha ka dhanka ah Qaadka hadda ka wada qaar ka mid ah gobollada dalka.

Mudane Cabdi Muuse Maaxaay ayaa uu dambeeyay dadkii loo gartay in shahaado sharaf la guddoonsiiyo, kaasi oo uu ku muteystay wax u qabashada dhibanayaasha gudaha dalka wax looga qaban waayay oo uu adeegyo caafimaad oo dibadda  ah u fidiyay oo ay ku jiraan carruur isku dhagan, isagoo ku nool dalka Mareykanka.

Ugu dambeyntii Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in sideeda qof ee shahaadooyinka lagu abaalmariyay ay tahay mid bilow ah, isla markaana Madaxda Qaranka looga fadhiyo in dadka sidan oo kale bulshada wax u qabta ay bilad geesi siiyaan, taasi oo tusaale fiican u noqoneyso dad sida mutu-dawacnimada ah ugu adeegaya bulshada.

N40A4863 N40A4878  N40A4898 N40A4902 N40A4905  N40A4918   N40A4959 N40A4969 N40A4979 N40A4980  N40A4989 N40A4992

 

Sawir Qaade:- Qadar, Sakariye iyo Maxamed Cabdiweli

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga “Odayaasha Caabudwaaq waa inay hormuud u noqdaan dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta”

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga “Odayaasha Caabudwaaq waa inay hormuud u noqdaan dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta”

Wasiirka Gaashaandhigga “Odayaasha Caabudwaaq waa inay hormuud u noqdaan dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta”

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

April 15, 2026
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoomiyay kulankii 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

April 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Ciidanka Qalabka Sida oo howlgal qorsheysan ku dilay ku dhawaad 60 ka tirsan Khawaarijta

April 15, 2026
0

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo duqeyn ah ka fuliyay deegaannada Tardo oo ka tirsan gobolka Hiiraan, Ugunji...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

April 15, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn ah ka fuliyay deegaannada Tardho ee gobolka Hiiraan, Ugunji ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In