Wednesday, July 6, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye: “Waxaan shahaadooyin guddoonsiinay dad aan u aragnay inay wax u qabteen bulshada” SAWIRRO

April 5, 2015
in Wararka, Xulashada
0
Wasiir Maareeye: “Waxaan shahaadooyin guddoonsiinay dad aan u aragnay inay wax u qabteen bulshada” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu xusayay dib u howlgelinta Warbaahinta Qaranka, isla markana dib loogu furayay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, iyadoo shahaadooyin lagu abaalmariyay dad ay madaxda Wasaaraddu u arkeen inay howlkarnimo muujiyeen, isla markaana bulshadooda wax u qabtay.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dadka shahaado sharafta la guddoonsiiyay ay yihiin dad ay Wasaaraddu u garatay inay howlo u qabteen bulshada, isagoo xusay in qofkasta ay shahaadadiisa ku qorantahay waxa uu ku muteystay in shahaadada la guddoonsiiyo.

Related posts

Golaha Ammaanka Midowga Africa Oo Hawlgal Shaqo ku Tagaya Soomaaliya

Golaha Ammaanka Midowga Africa Oo Hawlgal Shaqo ku Tagaya Soomaaliya

July 6, 2022
Danjiraha Soomaaliya Ee Serbia Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Ee Dalkaas

Danjiraha Soomaaliya Ee Serbia Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Ee Dalkaas

July 6, 2022

“20 iyo dhowr sano ayaan ku soo jirnay dhibaatooyin badan, dad badan ayaa dadaalay, marka waxaan caawa halkaan shahaado sharaf guddoonsiineynaa sideed halgamayaal aan u aragnay inay wax wanaagsan sameeyeen, waxaan kaloo u aragnay in tani ay tahay bilow fiican, qofkasta waxaan u sameynay shahaado calanka Soomaaliya ku wareegsanyahay, waxaana ku qornay magacyadooda iyo waxa ay qabteen” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Agaasimaha Warbaahinta Qaranka Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaalla oo ka hadlay munaasabadda lagu xusayay dib u howlgelinta Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dadka shahaadada sharafta lagu abaalmariyay ay yihiin dad u adeegay bulshadooda, oo u qabtay wax wanaagsan.N40A4888

  1. Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo shahaadada lagu abaalmariyay ku muteysan dadaalkiisa ku aadan ka digista qatarta xagjirnimada diimeed.N40A4907
  2. Dr Cabdiraxmaan Cali Cawaale (Xabeeb) oo ku muteystay wax u qabashada dadka dhimirka la’ oo ay ku jiraan dad badan oo ku dayacnaa waddooyinka Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka.N40A4943
  3. Marwo Canab Xasan Cilmi guddoomiye ku-xigeenka Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo iyana ku muteysatay dadaalka ku wajahnaa u soo taagnaanshiyaha ku wargelinta shacabka horumarka dalka.N40A4958
  4. Mudane Maxamuud Xareed Dhageey oo isna ku muteystay dib u soo nooleynta ganacsiga dalka iyo soo jiidashada dadka dalxiisayaasha ah,

Waxaa kaloo jirta afar qof oo goobta ka maqneyd kuwaasi oo lagu abaalmariyay shahaado sharaf waxayna kala yihiin

Axmed Jaamac Maxamed (Axmed Village) oo shahaado sharafta ku muteystay dib u soo nooleynta horumarinta ganacsiga dalka oo xanuun darteed xafladda uga maqnaa.

N40A4984

Farxiyo Maxamuud Mire oo ku muteysatay u gar gaaridda dadka dhiban ee aan dalka wax looga qaban Karin, waxaana ka mid ahaa dadkii ay wax u qabatay Axmedeey Cabdi Gaashaan oo ku dhaawacmay xuska 4-ta April ee dib u howlgelinta Telefishinka oo ku sugan dalka dibadiisa, waxaana shahaada sharafta u guddoontay Wariye Muno Cumar Xasan oo ka tirsan Warbaahinta Qaranka.

Abuukar Jaamac Cawaale (Qaad-diid) oo ku muteystay sida uu ugu halgamayo la dagaallanka qaadka, waxaana uu sabab u ahaa in qaadka laga joojiyo dalka Ingiriiska, isagoo ololaha ka dhanka ah Qaadka hadda ka wada qaar ka mid ah gobollada dalka.

Mudane Cabdi Muuse Maaxaay ayaa uu dambeeyay dadkii loo gartay in shahaado sharaf la guddoonsiiyo, kaasi oo uu ku muteystay wax u qabashada dhibanayaasha gudaha dalka wax looga qaban waayay oo uu adeegyo caafimaad oo dibadda  ah u fidiyay oo ay ku jiraan carruur isku dhagan, isagoo ku nool dalka Mareykanka.

Ugu dambeyntii Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in sideeda qof ee shahaadooyinka lagu abaalmariyay ay tahay mid bilow ah, isla markaana Madaxda Qaranka looga fadhiyo in dadka sidan oo kale bulshada wax u qabta ay bilad geesi siiyaan, taasi oo tusaale fiican u noqoneyso dad sida mutu-dawacnimada ah ugu adeegaya bulshada.

N40A4863 N40A4878  N40A4898 N40A4902 N40A4905  N40A4918   N40A4959 N40A4969 N40A4979 N40A4980  N40A4989 N40A4992

 

Sawir Qaade:- Qadar, Sakariye iyo Maxamed Cabdiweli

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga “Odayaasha Caabudwaaq waa inay hormuud u noqdaan dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta”

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga “Odayaasha Caabudwaaq waa inay hormuud u noqdaan dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta”

Wasiirka Gaashaandhigga “Odayaasha Caabudwaaq waa inay hormuud u noqdaan dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta”

Golaha Ammaanka Midowga Africa Oo Hawlgal Shaqo ku Tagaya Soomaaliya

Golaha Ammaanka Midowga Africa Oo Hawlgal Shaqo ku Tagaya Soomaaliya

July 6, 2022
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si dhow ula socota heshiisyadii iyo qararadii laga gaaray arrimaha ciidamada Midowga Africa ee ku...

Danjiraha Soomaaliya Ee Serbia Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Ee Dalkaas

Danjiraha Soomaaliya Ee Serbia Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Ee Dalkaas

July 6, 2022
0

Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Serbia. Danjiraha ayaa kulan wax ku...

Madaxda Wasaaradda Caafimaadka oo ka shiray howlaha hortebinta leh ee horyaalla Wasaaradda

Madaxda Wasaaradda Caafimaadka oo ka shiray howlaha hortebinta leh ee horyaalla Wasaaradda

July 6, 2022
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr.Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim ayaa kulan ballaaran la yeeshay Agaasimayaasha Waaxaha, Madaxda Qeybaha iyo Mashaariicda ee...

Madaxweynaha Jubbaland oo furay kalfadhiga 4aad ee maamulkiisa

Madaxweynaha Jubbaland oo furay kalfadhiga 4aad ee maamulkiisa

July 6, 2022
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta furay kalfadhiga afraad ee golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Jubbaland.  ...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In