Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga “Odayaasha Caabudwaaq waa inay hormuud u noqdaan dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 5, 2015
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga “Odayaasha Caabudwaaq waa inay hormuud u noqdaan dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalintii afaraad howlo shaqo u jooga magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga gobolka Galgaduud, ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaadanayaa qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanada Waqooyiga Galgaduud.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ugu horeyntii la kulmay odayaasha deegaanka kuwaasoo ka kala yimid deegaanada hoostada Waqooyiga gobolka Galgaduud, wuxuuna  Wasiirku kala hadlay arrimaha nabadeynta iyo dib u heshiisiinta goboladan dhexe iyo sidii odayaasha dhaqanku qeyb libaax uga qaadan lahaayeen isku soo dhoweynta beelaha ku wada nool goboladan iyo sidii hal maamul oo mideeya dadka loogu wada sameysan lahaa.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

“Dadka ku dhaqan  Gobollada dhexe waa dad walaalo ah oo weligoodba wada deganaa, hal meelna wax ku wada qeybsan jiray, waxaana loo baahan yahay in la soo celiyo walaalnimadii, iskaashigii iyo wax wada qabsigii aad caanka ku aheydeen” ayuu yiri  Wasiirka oo dhanka kale xusay in dawladda Federaalku ay ku taageereyso sidii loo gaarsiin lahaa dib u heshiisiinta gobol, degmo illaa tuulo.

“Odayaasha horteyda fadhiya waa dad leh  taariikh weyn oo dhanka halganka iyo xornimo doonkii dalka, waxaana loo baahan yahay inaad hormuud ka noqotaan dib u heshiisiinta iyo dhameynta khilaafaadka ka dhex jira dadka ku dhaqan goboladan dhexe oo iyagu ay ka go’an tahay in ay yeeshaan maamul ay ku qanacsan yihiin ” ayuu yiri  Wasiirka oo la hadlayay Odayaasha ku dhaqan deegaanada Waqooyiga Galgaduud.

Odayaasha ayaa gabagabadii u balan qaaday  Wasiirka iyo wafdiga la socda inay garab istaagayaan kana shaqeynayaan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta dadka ku dhaqan gobolada dhexe, si loo gaaro Soomaaliya oo dagan aayaheedana ka tashata kuna wada nool nabad iyo xasilooni.

IMG_9169 IMG_9171 IMG_9172 IMG_9173 IMG_9177 IMG_9180 IMG_9182 IMG_9190 IMG_9191 IMG_9195 IMG_9201 IMG_9211

 

Previous Post

Wasiir Maareeye: “Waxaan shahaadooyin guddoonsiinay dad aan u aragnay inay wax u qabteen bulshada” SAWIRRO

Next Post

Madaxweynaha Koonfur galbeed oo maanta gaaray Afgooye

Next Post
Mudanayaal iyo waxgarad soo dhaweeyay baqii nabadeed ee madaxweynaha maamulka K/galbeed

Madaxweynaha Koonfur galbeed oo maanta gaaray Afgooye

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In