Friday, September 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Koonfur galbeed oo maanta gaaray Afgooye

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Mudanayaal iyo waxgarad soo dhaweeyay baqii nabadeed ee madaxweynaha maamulka K/galbeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay wehliyaan qaar kamid ah Wasiirada maamulkiisa oo maalmihii la soo dhaafay booqasho ku marayay degmooyinka ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa maanta gaaray degmada Afgooye, isagoo kulamo kula leh waxgaradka iyo maamulka degmada.

Socdaalka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la sheegay in ay ku saabsan tahay soo geba gebeynta dib u heshiisiinta qaar kamid ah Beelaha wada dega gobolka taas mudooyinkii dambe halkaasi ka socotay.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Cali Nuur Maxamed ayaa sheegay in madaxweynuhu uu hadda kulamo la leeyahay odoyaasha isagoo kala hadlaya dardargelinta arimaha dib u heshiisiinta.

Dhinaca kale Xildhibaan Cali Yuusuf Cismaan “Cali Ganey” oo ka tirsan Mudaniyaasha golaha Shacabka ayaa sidoo kale maanta gaaray degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur galbeed, maamulka degmada iyo qaar kamid ah shacabka ku nool degmadaasi.

U jeedada booqashada Xildhibaanka ayaa la xiriirta u kuurgalidda xaaladaha ka jira degmada Afgooye iyo Tuulooyinka Hoos yimaada.
Gudoomiyaha degmada Afgooye, Xaaji Gaabow Cismaan oo soo dhaweynta Xildhibaanka ka hadlay ayaa sheegay in ku faraxsan yihiin imaanshaha Xildhibaanka.

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga “Odayaasha Caabudwaaq waa inay hormuud u noqdaan dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta”

Next Post

Amniga Xarunta Baarlamaanka oo laga hadlay”SAWIRRO”

Next Post
Amniga Xarunta Baarlamaanka oo laga hadlay”SAWIRRO”

Amniga Xarunta Baarlamaanka oo laga hadlay”SAWIRRO”

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In