Monday, June 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saraakiil ka tirsan ciidanka XDS oo tababar uga socda dalka Turkiga oo la kormeeray “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Saraakiil ka tirsan ciidanka XDS oo tababar uga socda dalka Turkiga oo la kormeeray  “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gaashaale sare Abdinuur Axmed Kadiye ayaa maanta booqdey Xeryo lagu tababarayo qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Xoogda dalka Soomaaliyeed, Ciidamadan ayaa waxaa ay ku kala xareysanyihiin oo tababar uga socdaa xeryo dhowr ah oo ku kala yaala magaalooyinka Ankara, Istanbul, Ismiir iyo meelo kale oo ka tirsan wadanka Turkiga.

Saraakiishan ayaa waxaa ay isugu jiraan Saraakiil sar sare iyo leyli saraal, sarkaal  xigeeno, waxaana hada usocda luuqada Turkiga oo marka ugu horeysa ay tahay in uu barto Sarkaalka tababarka qaadanayo, saraakiishan ayaa waxaa uu isugu jiraa tababarkooda dhoor nooc oo kala duwan,

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka  Suudaan ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

June 28, 2026
Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

June 28, 2026

Saraakiishan ayaa waxaa kamid ah Saraakiil loo taba barayo Duuliyaal in ay noqdaan iyo weliba dhinaca Avitionka, sodoo kale waxaa ka mid ah Saraakiishan kuwo loo tababarayo dhaqaatiir iyo injineero, Saraakiishan ayaa  tiradooda waxaa ay gareysaa 103 Sirkaal, kuwaasi oo laga soo kala xuley dhamaan Gobolada Dalka Soomaaaliya.

Gashaanle Sare Cabdinuur Axmed kadiye ku-xigeenka Militiri Ataajiiga Safaaradda Soomaaliya ahna ku-simaha Ataajiiga Militiriga ayaa waxaa ku wehelinayey booqashadiisa Korneel Axmed Kaahin oo si gooni ah gacanta ugu hayo Saraakiisha tababarka ku qaadaneysa wadanka Turkiga,kaasi oo wax badan ku buraarujiyey Saraakiisha  xilna iska saaray sidii Saraakiishan ay uga mrio dhalin lahaayeen tababarkooda.

Tababarka Saraakiishan ayaa waxaa uu socon doonaa hal sano ilaa shan sano, Saraakiishan ayaa  markii ay dhameystaan Tababarkooda waxaa ay dib ugu laaban doonaan wadanka Soomaaliya si ay u ga howlgalaan wadanka gudihiisa.

Gaashaanle sare Axmed Cabdinuur ayaa waxaa uu u jeediyey Saraakiisha uu la kulmey  khudbad dhiiro gelin ah oo uu ugu talo galey Saraakiisha in uu ku dhiiri geliyo si  ay uga lib keenaan tababarkooda, muujiyaana dhabar adeeg,wuxuuna u sheegey in wadankii  iyo Ciidankii xooga Dalka Soomaaliyeed ay kasugayaan waxii ay halkan ka barteen ay uga faa ideeyaan.

image-6cc0de4588a180234daf27cdeaee044ef26fc862182e282853f1571d2414a520-V image-308bc4173c24d44f7a92bdeac1a7eda4c5d4633a42269ccb43ae151db4f8cb9a-V image-b0545af4a574a66117ff1f657a0cd9772084e31364eb7092b097059104bcfb9f-V(1) image-b0545af4a574a66117ff1f657a0cd9772084e31364eb7092b097059104bcfb9f-V image-e8953302a7a909765e6c0865b6bf53adc983f2bc9fa50aa6b76092210d7fddb6-V

Previous Post

Ardayda Jaamacadda Jobkey oo u fariistay Imtixaan “SAWIRRO”

Next Post

Maalinta Caafimaadka Adduunka oo laga xusay Muqdisho “Sawirro”

Next Post
Maalinta Caafimaadka Adduunka oo laga xusay Muqdisho “Sawirro”

Maalinta Caafimaadka Adduunka oo laga xusay Muqdisho “Sawirro”

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka  Suudaan ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

June 28, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta...

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

June 28, 2026
0

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka ayaa maanta kormeer ku tegay Xerada Jeneraal Gordon ee magaalada Muqdisho. Guddiga ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Itoobiya

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Itoobiya

June 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku gaaray, magaalada Addis...

Danjire Jaamac oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso

Danjire Jaamac oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso

June 28, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Burkina Faso, Danjire Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Macdanta iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In