Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xayiraadda Xawaaladaha Kenya ka shaqeeya oo saameysay qaxootiga Soomaalida

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Xayiraadda Xawaaladaha Kenya ka shaqeeya oo saameysay qaxootiga Soomaalida
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dadka qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool xeryaha   Qaxootiga dalka Kenya ayaa walaac ka muujiyey xayiraadda ay dowladda Kenya ku soo rogtay qaar ka mid ah shirkadaha Xawilaadda lacagaha ee dalkaasi ka howlgala.

Dowladda Kenya, ayaa shaacisay in ay xirtay 13, xawaaladood iyo 86 akoonnada shaqsiyaad aan la shaacin magacyadooda kaddib markii uu go’aan ka soo baxay guddiga wasiirrada ee la dagaallanka argagixisada dalkaasi, si looga jawaabo weerarkii argagixisadu ku qaadeen Jaamacadda Caarisa, waxaana arrintaasi ay si weyn u sameeysay Soomaalida ku nool dalkaasi, gaar ahaan dadka qaxootiga ah eku jira xeryaha Dha-dhaab.

Related posts

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026

Qaar ka mid ah dadka qaxootiga ah ee ku jira Xerada Xagar-dheer ee dalka Kenya, ayaa sheegay iyaga oo la hadlayey warbaahinta Qaran  in xayiraadda la saaray Xawaaladaha in ay noloshooda aad u saameysay, isla markaana ay xanuun badan ku heyso arrintaas, waxa ay sheegeen in dowladaha Soomaaliya iyo Kenya  ay ugu baaqayaan in ay arrintaan wax ka qabtaan oo aysan dadka masaakiinta ah noloshooda dhibaato u geysan.

Dowladda Kenya  tan iyo markii ay shaacisay in la xiray shirkadaha xawilaadda lacagta kama hadlin hadal heynta dadweynaha Soomaaliyeed ee arrintaasi cabashada ka muujiyey, hasa yeeshee dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay arrintaasi dhallinkarto dhibaato xoog leh  oo soo gaarta Soomaalida dalkaasi ku sugan ee ehelladooda biilasha  ay u soo diraan ku nool.

 

 

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh “dadka Mudug iyo Galgaduud ha isu tanaasulaan

Next Post

Hay,adda Islaamig Relief oo wasaaradda Caafimaadka ku wareejisay isbitaal weyn oo ay Muqdisho ka hirgalisay{SAWIRRO}

Next Post
Hay,adda Islaamig Relief oo wasaaradda Caafimaadka ku wareejisay isbitaal weyn oo ay Muqdisho ka hirgalisay{SAWIRRO}

Hay,adda Islaamig Relief oo wasaaradda Caafimaadka ku wareejisay isbitaal weyn oo ay Muqdisho ka hirgalisay{SAWIRRO}

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

January 22, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Cali (Xoosh) oo safar shaqo ku jooga Pakistan ayaa...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

January 22, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo ay garab taagan yihiin Ciidamada Amniga Jubbaland, isla markaana kaashanaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In