Sunday, April 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xayiraadda Xawaaladaha Kenya ka shaqeeya oo saameysay qaxootiga Soomaalida

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Xayiraadda Xawaaladaha Kenya ka shaqeeya oo saameysay qaxootiga Soomaalida
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dadka qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool xeryaha   Qaxootiga dalka Kenya ayaa walaac ka muujiyey xayiraadda ay dowladda Kenya ku soo rogtay qaar ka mid ah shirkadaha Xawilaadda lacagaha ee dalkaasi ka howlgala.

Dowladda Kenya, ayaa shaacisay in ay xirtay 13, xawaaladood iyo 86 akoonnada shaqsiyaad aan la shaacin magacyadooda kaddib markii uu go’aan ka soo baxay guddiga wasiirrada ee la dagaallanka argagixisada dalkaasi, si looga jawaabo weerarkii argagixisadu ku qaadeen Jaamacadda Caarisa, waxaana arrintaasi ay si weyn u sameeysay Soomaalida ku nool dalkaasi, gaar ahaan dadka qaxootiga ah eku jira xeryaha Dha-dhaab.

Related posts

Sawirro: Kulan lagu heshiisiiyey beelo walaalo ah oo ku dagaalay Mudug ayaa lagu qabtay Muqdisho

Sawirro: Kulan lagu heshiisiiyey beelo walaalo ah oo ku dagaalay Mudug ayaa lagu qabtay Muqdisho

April 26, 2026
Wejiga labaad ee wadatashiyada Qorshaha Qaran ee Dhallinyarada oo la soo gabagabeeyay

Wejiga labaad ee wadatashiyada Qorshaha Qaran ee Dhallinyarada oo la soo gabagabeeyay

April 26, 2026

Qaar ka mid ah dadka qaxootiga ah ee ku jira Xerada Xagar-dheer ee dalka Kenya, ayaa sheegay iyaga oo la hadlayey warbaahinta Qaran  in xayiraadda la saaray Xawaaladaha in ay noloshooda aad u saameysay, isla markaana ay xanuun badan ku heyso arrintaas, waxa ay sheegeen in dowladaha Soomaaliya iyo Kenya  ay ugu baaqayaan in ay arrintaan wax ka qabtaan oo aysan dadka masaakiinta ah noloshooda dhibaato u geysan.

Dowladda Kenya  tan iyo markii ay shaacisay in la xiray shirkadaha xawilaadda lacagta kama hadlin hadal heynta dadweynaha Soomaaliyeed ee arrintaasi cabashada ka muujiyey, hasa yeeshee dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay arrintaasi dhallinkarto dhibaato xoog leh  oo soo gaarta Soomaalida dalkaasi ku sugan ee ehelladooda biilasha  ay u soo diraan ku nool.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh “dadka Mudug iyo Galgaduud ha isu tanaasulaan

Next Post

Hay,adda Islaamig Relief oo wasaaradda Caafimaadka ku wareejisay isbitaal weyn oo ay Muqdisho ka hirgalisay{SAWIRRO}

Next Post
Hay,adda Islaamig Relief oo wasaaradda Caafimaadka ku wareejisay isbitaal weyn oo ay Muqdisho ka hirgalisay{SAWIRRO}

Hay,adda Islaamig Relief oo wasaaradda Caafimaadka ku wareejisay isbitaal weyn oo ay Muqdisho ka hirgalisay{SAWIRRO}

Sawirro: Kulan lagu heshiisiiyey beelo walaalo ah oo ku dagaalay Mudug ayaa lagu qabtay Muqdisho

Sawirro: Kulan lagu heshiisiiyey beelo walaalo ah oo ku dagaalay Mudug ayaa lagu qabtay Muqdisho

April 26, 2026
0

26 April, Muqdisho – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta, isimada dhaqanka, cuqaasha,...

Wejiga labaad ee wadatashiyada Qorshaha Qaran ee Dhallinyarada oo la soo gabagabeeyay

Wejiga labaad ee wadatashiyada Qorshaha Qaran ee Dhallinyarada oo la soo gabagabeeyay

April 26, 2026
0

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay wejigii labaad ee wadatashiyada Qorshaha Qaran ee Dhallinyarada, Nabadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Maalgashiga Cumaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Maalgashiga Cumaan

April 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan heer sare ah kula yeeshay magaalada...

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay wafdi ka socday Hay’adda CIVIC

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay wafdi ka socday Hay’adda CIVIC

April 26, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuql Insaanka Qaranka, Dr Maryan Qasim ayaa kulan heer sare ah la yeelatay wafdi ka socda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In