Tuesday, July 5, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay,adda Islaamig Relief oo wasaaradda Caafimaadka ku wareejisay isbitaal weyn oo ay Muqdisho ka hirgalisay{SAWIRRO}

April 9, 2015
in Wararka
0
Hay,adda Islaamig Relief oo wasaaradda Caafimaadka ku wareejisay isbitaal weyn oo ay Muqdisho ka hirgalisay{SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Isbitaalkaan oo laga hirgaliyay degmada Warta nabada ee gobolka Banaadir ayaa waxaa uu yahay mid ka mid ah isbitaalada ugu waaweyn Soomaaliya waana isbitaal qaabilsan xanuunada indha ku dhaca Hay.adda Islamaig Relief ayaa dhistay Isbitaalkaan waxaana dhaqaale xoogan ku bixisay Dowladda Baxrayn  Boqortooyada Bahrayn ayaana loogu magacdaray Hospitaalkaas.

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo kala ah wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.  wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah .iyo wasiir ku xigeeenka caafimaadka ayaa waxaa ay maanta kormeeer ku tageeen isbitaalkaas iyagoo ku soo wareegay qaybaha uu ka kooban yahay Isbitaalku mas,uuliyiinta hay,adda islamaig Relief ayaana warbixin ka siiyay Wasiirada  isbitaalkaan baaxada weyn eee ay ka dhistay hay.adu magaalada Muqdisho.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda, Kormeereyna Safaaradda Soomaaliya Ee Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda, Kormeereyna Safaaradda Soomaaliya Ee Turkiga

July 5, 2022
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

July 4, 2022

Madaxa ugu sareeya Hay,adda Islaamig Relief ee Soomaaliya Maxamed Aslam oo ugu horeyn hadlay ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay dhismaha Isbitaalkaan iyo muhiimada uu u leeyahay Bulshadda Soomaaliyeed waxaana uu furayaasha isbitaalkaas ku wareeejiyay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya.

Gudoomiyaha degmada Warta nabada Yaasiin Nuur Ciise ayaa waxaa uu sheegay in bulshada degmadaas ay u tahay fursad qaali ah in isbitaalkaan weyn laga hirgaliyo degmada isagoo xusay in ay ka faa,iideysan doonaan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya mudane Cusmaan Maxamed Cabdi daalo ayaa waxaa uu uga mahadnaqay Hay.adda islaamig Relief iyo Boqortooyada Bahrain hirgalinta isbitaalkaan oo qayb ka qaadan doona caafimaadka bulsho badan oo Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah mudane Cabdi raxmaan Yuusuf Cali Caynte oo ka mid ahaa mas,uuliyiinta halkaa kormeeerka ku tagay ayaa waxaa uu uga mahad naqay dhamaan dadkii isku howlay hirgalinta isbitaalkaan waxaana uu ugu baaqay bulshadda reer Warta nabada in ay ilaashadaan.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya marwo Xaawo Xasan Maxamed  ayaa gunaanadkii ka hadashay la wareegitaanka Wasaaradda ee Isbitaalkaan waxaana ay sheegtay in wax aad loogu farxo ay tahay in isbitaalka sidaas u baaxad weyn laga hirgaliyo magaalada Muqdisho amaan iyo bogaadin ayayna u soo jeedisay Dowladda Bahrain oo dhaqaalaha lagu dhisay ku bixisay iyo Hay.adda Islaamig Relief oo dhistay.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15

SAWIR QAADE :AXMED CALI KAAHIYE 

 

Previous Post

Xayiraadda Xawaaladaha Kenya ka shaqeeya oo saameysay qaxootiga Soomaalida

Next Post

Guddoomiyaha Cusub Ee Demada Dharkeenleey oo Maanta Xilka La Wareegay (Sawirro)

Next Post
Guddoomiyaha Cusub Ee Demada Dharkeenleey oo Maanta Xilka La Wareegay (Sawirro)

Guddoomiyaha Cusub Ee Demada Dharkeenleey oo Maanta Xilka La Wareegay (Sawirro)

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda, Kormeereyna Safaaradda Soomaaliya Ee Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda, Kormeereyna Safaaradda Soomaaliya Ee Turkiga

July 5, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka aan walaalaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Shir Muhiim ah Uga Qeybgalaya Kenya

July 4, 2022
0

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Guuleed ayaa magaalada Nairobi ee Dalka Kenya uga qayb galaya...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Booqday Safaaradda Soomaaliya Ee Ankara

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Booqday Safaaradda Soomaaliya Ee Ankara

July 4, 2022
0

Madaxwaynaha JFS Mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga ayaa booqday...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay Boqortooyada Sacuudiga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay Boqortooyada Sacuudiga

July 4, 2022
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madobe iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii dambe...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In