Monday, June 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha barlamaanka oo dalka dib ugu soo laabtay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha barlamaanka oo dalka dib ugu soo laabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

GuddoomiyaGudoomiyaha Baarlanmaanka federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo ay wehliyeen gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar iyo wasiiru-dowlaha xiriirka baarlamaanka Caadil Sheegow Sagaar ayaa maanata dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu soo gabagabeeyay howlo shaqo oo uu muddo ay u joogeen magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.

Guddoomiyaha baarlamaanka  Soomaaliya ayaa waxaa garoonka Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,isagoo gacan qaaday mudanayaashii soo dhaweeyay.

Related posts

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

June 15, 2026
Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

June 15, 2026

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo qeybta nasashada garoonka kula hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay shirarkii uu uga soo qeyb galay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.

Mudane Jawaari ayaa sheegay in uu magaalada Kampala kaga qeyb galay shir ay la haayeen guddiga baarlamaanka u qaabilsan sameynta axsaabta siyaasiga ah oo uu dalku yeelanyo iyo shir kale oo ay u  dhamaan guddoonka baarlamaanka.

Mudane Jaawari ayaa sheegay in mudadii ay ku sugnaayeen magaalada Kampala ay la kulmeen deeq bixiyaal iyo khuburo ay kala hadleen arrimaha baarlamaanka iyo barnaamijka uu ku shaqeyn doono baarlamaanka kalfadhiga lixaad.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in lix kulan howled ay u qabsoomeen mudadii ay ku sugnaayeen magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda,isagoo sheegay in ay guul ku soo dhamaadeen kulan howleedyadaasi.

Imaantinka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa ku soo beegmaya,xili la filayo in 20-bishan uu furmo kalfadhiga lixaad ee baarlamaanka Soomaaliya.

Previous Post

Dowladda Imaaraadka Carabta oo Ciidamo u tababaraysa Dowladda Soomaliya”Sawirro”

Next Post

DHAGEYSO:Warka Duhur ee Radio Muqdisho 09 04 2015

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

DHAGEYSO:Warka Duhur ee Radio Muqdisho 09 04 2015

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

June 15, 2026
0

AMNIGA • Xoreynta deegaanno iyo magaalooyin ka badan 120 oo horay uga maqnaa gacanta dowladda. • Xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho....

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

June 15, 2026
0

Muqdisho – Waxaa maanta si rasmi ah loo daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir, Sanad-dugsiyeedka 2025–2026,...

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

June 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Guud...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

June 14, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ganacsato iyo maalgashadayaal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In