Tuesday, April 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Ammaanka Oo Gacanta Ku dhigay Miino Iyo Dadkii Ku Lugta Lahaa

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Ciidamada Ammaanka Oo Gacanta Ku dhigay Miino Iyo Dadkii Ku Lugta Lahaa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag Axmed Nuur Cabdi Siyaad “Anas” oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in gacanta ku dhigeen saddex nin iyo walxaha qarxa oo ay uga carareen jidka hareerahiisa, kadib markii dadka deegaanka ay ku soo wargeliyeen in jidka la dhigay walxaha qarxa.

Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in ciidanka amniga ay ku wargeliyeen arrinta, isla markaana lagu guuleystay in la qabto saddex ruux oo lagu tuhmayo inay iyagu wateen walxaha qarxa oo ku jiray jawaanno, waxaana uu intaa ku daray in ciidanka ay la wareegeen saddexda ruux ee la qabtay.

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

April 20, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

April 20, 2026

“Dadka deegaanka ayaa nagu soo wargeliyay, in walxaha qarxa, gaar ahaan miinada dhulka lagu aaso ay kuwa watay dhigeen jidka ka yimaada dabka ee dhanka Howlwadaag xageeda soo aadda, runtii arrinta durbadiiba waan ku baxnay, ciidanka miinada qaabilsan ayaan u dirnay, waxaana lagu guuleystay in miinada ay ciidamadu la wareegaan iyo saddex qof oo arrintaasi lala xiriirinayo” ayuu yiri Axmed Nuur Cabdi.

Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag ayaa uga mahadceliyay shacabka halkaasi ku nool sida ay ula shaqeeyaan mar waliba maamulkooda, isagoo tilmaamay in ay abaal marino gaar ah siin doonaan dadkii arrintaasi gacan ka geystay oo ka hortagay in miinooyinka ay Shabaabku wateen lagu dhibaateeyo dad rayid ah.

“Mar waliba ciidamada gacan ayay ku siiyaan shacabka degmada sidii loo fashilin lahaa dhagarta ay maleegayaan Shabaab, runtii waa arrin lagu farxo in shacabka ay xilligan u heelanyihiin la shaqeynta maamulkooda iyo ciidanka, anaguna waxaan ku dadaaleynaa sidii aan u siin lahayn abaal marino, gaar ah dadkii arrintaasi gacan nagu siiyay” ayuu hadalkiisa ku daray Guddoomiye Axmed Nuur.

 

 

Previous Post

NUSOJ oo cambaareeysay falka lagu dhaawacay Wariye Farxaan Suleymaan

Next Post

Wasiirka arrimaha gudaha oo ku wajahan Cadaado

Next Post
Wasiirka arrimaha gudaha: Waxaan aamminsannahay inaan wada hadli karno Soomaaliland

Wasiirka arrimaha gudaha oo ku wajahan Cadaado

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

April 20, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali, ayaa xarunta Wasaaradda...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

April 20, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaanka sare ee Wasaaradda...

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026
0

Shirweynihii Midowga Baarlamaanada Adduunka ee ka socday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa maanta lasoo gaba gabeeyey, waxaana shirkaasi Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In