Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

NUSOJ oo cambaareeysay falka lagu dhaawacay Wariye Farxaan Suleymaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 10, 2015
in Wararka
0
NUSOJ oo cambaareeysay falka lagu dhaawacay Wariye Farxaan Suleymaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa cambaareeyay fal isku day dil ah oo la doonayay in lagu qaarajiyo Wariye Farxaan Suleymaan Daahir oo ka tirsan Sawir qaadayaasha Radio Muqdisho, xilli uu ku sugnaa aga gaarka Isgoyska KPP ee degmada Hodan.

War-saxaafadeed uu soo saaray NUSOJ ayaa lagu sheegay inay aad uga xunyihiin falka lagu dhaawacay Wariye Farxaan Suleymaan Daahir, isla markaana ay cambaareynayaan dadkii falkaasi ka dambeeyay, oo ay dalbanayaan in cadaaladda la horkeeno.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

“Shan xabadood ayay ku dhufteen wariyaha, taasi oo labo ka mid ah ay feeraha ka haleeshay, midna ay gacanta kaga dhacday oo sababtay in gacanta bidix ay jabto, waxaa kaloo jirta mid madaxa ka sartay” ayuu yiri Xuseen Aadan Ibraahim oo la hadlay NUSOJ.

Tifaftiraha Radio Muqdisho Ismaaciil Mukhtaar Cumar oo isna la hadlay NUSOJ ayaa sheegay in Wariye Farxaan ay dhagar qabayaashu ku dhufteen shan xababood, isla markaana ay meyd ahaan uga tegeen, laakiin uu Alle ka badbaadiyay dhagarta ay la rabeen kuwii falka u geystay Wariye Farxaan Suleymaan Daahir “Maaskaro”.

Xoghayaha Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Bakistan ayaa si kulul u cambaareeyay falka lagu dhaawacay sawir qaade Farxaan, isagoo ka codsaday dowladda inay sameyso baaritaanno, ayna cadaaladda horkeenaan kuwii falkaasi ka dambeeyay.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Ciidamada Ammaanka Oo Gacanta Ku dhigay Miino Iyo Dadkii Ku Lugta Lahaa

Next Post
Ciidamada Ammaanka Oo Gacanta Ku dhigay Miino Iyo Dadkii Ku Lugta Lahaa

Ciidamada Ammaanka Oo Gacanta Ku dhigay Miino Iyo Dadkii Ku Lugta Lahaa

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In