Tuesday, July 5, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Ammaanka Oo Gacanta Ku dhigay Miino Iyo Dadkii Ku Lugta Lahaa

April 11, 2015
in Wararka
0
Ciidamada Ammaanka Oo Gacanta Ku dhigay Miino Iyo Dadkii Ku Lugta Lahaa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag Axmed Nuur Cabdi Siyaad “Anas” oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in gacanta ku dhigeen saddex nin iyo walxaha qarxa oo ay uga carareen jidka hareerahiisa, kadib markii dadka deegaanka ay ku soo wargeliyeen in jidka la dhigay walxaha qarxa.

Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in ciidanka amniga ay ku wargeliyeen arrinta, isla markaana lagu guuleystay in la qabto saddex ruux oo lagu tuhmayo inay iyagu wateen walxaha qarxa oo ku jiray jawaanno, waxaana uu intaa ku daray in ciidanka ay la wareegeen saddexda ruux ee la qabtay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Ka Qeyb-galay Shir madaxeedka IGAD Oo Ka Furmay Kenya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Ka Qeyb-galay Shir madaxeedka IGAD Oo Ka Furmay Kenya

July 5, 2022
Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo Guddoon cusub doortay

Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo Guddoon cusub doortay

July 5, 2022

“Dadka deegaanka ayaa nagu soo wargeliyay, in walxaha qarxa, gaar ahaan miinada dhulka lagu aaso ay kuwa watay dhigeen jidka ka yimaada dabka ee dhanka Howlwadaag xageeda soo aadda, runtii arrinta durbadiiba waan ku baxnay, ciidanka miinada qaabilsan ayaan u dirnay, waxaana lagu guuleystay in miinada ay ciidamadu la wareegaan iyo saddex qof oo arrintaasi lala xiriirinayo” ayuu yiri Axmed Nuur Cabdi.

Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag ayaa uga mahadceliyay shacabka halkaasi ku nool sida ay ula shaqeeyaan mar waliba maamulkooda, isagoo tilmaamay in ay abaal marino gaar ah siin doonaan dadkii arrintaasi gacan ka geystay oo ka hortagay in miinooyinka ay Shabaabku wateen lagu dhibaateeyo dad rayid ah.

“Mar waliba ciidamada gacan ayay ku siiyaan shacabka degmada sidii loo fashilin lahaa dhagarta ay maleegayaan Shabaab, runtii waa arrin lagu farxo in shacabka ay xilligan u heelanyihiin la shaqeynta maamulkooda iyo ciidanka, anaguna waxaan ku dadaaleynaa sidii aan u siin lahayn abaal marino, gaar ah dadkii arrintaasi gacan nagu siiyay” ayuu hadalkiisa ku daray Guddoomiye Axmed Nuur.

 

 

Previous Post

NUSOJ oo cambaareeysay falka lagu dhaawacay Wariye Farxaan Suleymaan

Next Post

Wasiirka arrimaha gudaha oo ku wajahan Cadaado

Next Post
Wasiirka arrimaha gudaha: Waxaan aamminsannahay inaan wada hadli karno Soomaaliland

Wasiirka arrimaha gudaha oo ku wajahan Cadaado

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Ka Qeyb-galay Shir madaxeedka IGAD Oo Ka Furmay Kenya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Ka Qeyb-galay Shir madaxeedka IGAD Oo Ka Furmay Kenya

July 5, 2022
0

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qayb galay meertada...

Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo Guddoon cusub doortay

Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo Guddoon cusub doortay

July 5, 2022
0

Doorashada Guddoonka Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo ay ku baratamayeen musharixiin u taagan Xilalka Guddoomiyaha, Gudoomiye ku...

Xoghayaha cusub ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xilka la wareegay.

Xoghayaha cusub ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xilka la wareegay.

July 5, 2022
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Abuukar Subeer ayaa xilka kala wareegay Xoghayihii hore ee Xafiiska...

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle oo  qaabilay Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle oo  qaabilay Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya.

July 5, 2022
0

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa  qaabilay Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In