Wednesday, October 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

RW Cumar oo hambalyo ku aadan xuska 12 April u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 years ago
in Wararka
0
R/W. Cumar: “Dagaallada ku soo noq-noqday Deefow iyo deegaannada ku xeeran Xarar-dheere waa kuwo aan loo qiil dayi karin”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Garoowe, 12, April, 2015….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirshid Cali Sharmarke ayaa hambalyo ku aadan sanad guuradii 55aad ee ka soo wareegtay asaaskii ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed u diraya Taliska guud ee Ciidanka, Hogaamada kala duwan, Abaanduulayaasha Ciidamadda, Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeenada, Alifleyda iyo Dablayda Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed,

“Waa maalin taariikhi ah, waa asaaskii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ay maanta u buuxsantay 55 sano.Ciidamda Xooga Dalku waxay soo mareen marxalada kala duwan, waxayna gaareen inay ka mid noqdaan ciidamada ugu xooga badan Afirca. Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya waxay leeyihiin taariikh ay ku dheehan tahay Geesinimo, Adkaysi, Xeelado ay ku wajahaan cadowgooda, iyo Wadaniyad, waxayna ka soo qayb qaateen tababarida iyo dhisida ciidamada wadamo ka mid ah Afirica” ayuu yiri RW Cumar

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay bur-burkii dalka ka dhacay iyo dowlad la’aantii ku habsatay iney sababtay in ciidanka Xooga dalka Soomaalliyeed soo wajaho bur bur dhan kasta ah, waxaana sidoo kale bur buray dhamaan xarumihii ciidanka xooga dalka.

“Nasiib wanaag dowladihii dalka isaga danbeeyey 15-kii sano ee la soo dhaafay, waxay qayb muhiim ah ka qaateen yagleelida iyo dib u dhiska ciidanka, Dowlad kastana waxay soo gaarsiisay meel wax laga sii wadi karo. Waxaa ilaahay Mahadiis ah in maanta ciidanka leeyihiin talis guud oo ay hoos yimaadaan, Darajooyin ku salaysan aqoontooda iyo khibradooda, una babac dhigeen iney habeen iyo maalinba u soo jeedaan difaaca dalkooda iyo dadkooda anagoo og iney wali jiraan duruufo dhaqaalo iyo kuwo qalab”

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa sheegay in xukuumadiisu ay xooga saarayso in la mideeyo dhamaan ciidamada ku kala firirsan gobolada dalka, layskuna dhafo si loo helo ciidan qaran oo hal amar ku howl galo. taasna ay qab ka tahay safarka uu ku yimid Puntland,

“Ayadoo laga duulayo dhismaha ciidan qaran, xukuumadu waxay dhistay gudi ay hormuud u tahay Wasaarada Gaashaandhiga, gudigaas oo ka kala imanay gobolada dalka iyo maamul goboleedyada, si ay u sahlanaato dhisida ciidan qaran oo uu dalku yeesho. waxaan uga fadhinaa shacabka Soomaaliyeed iney garab ku siiyaan dowaldooda sidii dalkaan u heli lahaa ciidan qaran, taas oo noo sahli karta inaan cadowga ka sifayno goobaha ay uga harsan yihiin dalka, isla markaan kala wareega ciidamada AMISOM marka lagaaro 2017/ Waxaan leeyahay Geesiyaal adkeeya difaaca, xoojiya weerarada ka dhanka ah Cadowga, anaguna waxaan idinla garab taaganahay taageero nooc kasta ah. ” ayuu yiri RW Cumar

—DHAMAAD—

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo ugu Hambalyeeyay Ciidanka XDS sanad guurada 55aad

Next Post

Xuska 55 guurada ciidanka Xoogga Dalka oo ka socoto Muqdisho iyo gobollada dalka

Next Post
Xuska 55 guurada ciidanka Xoogga Dalka oo ka socoto Muqdisho iyo gobollada dalka

Xuska 55 guurada ciidanka Xoogga Dalka oo ka socoto Muqdisho iyo gobollada dalka

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In