Tuesday, February 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Maman Sidikou oo hambalyo u diray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Danjire Sidikou oo ka hadlay guulaha ay sida wada jirka ah u gaareen ciidanka AMISOM iyo ciidanka Xoogga dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu – April 12th, 2015, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Dajire Maman Sidikou ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed 55-guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed loogu hambalyeeyay guulaha ay ka soo hooyeen dagaalladii ay la galeen haraadiga Al-Shabaab.

Related posts

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

February 2, 2026
MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

February 2, 2026

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in ciidanka xoogga dalka ay ku guuleysteen in Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya Soomaaliya ay ka saaraan kooxda Shabaab, isla markaana ay ku soo celiyaan xasilooni iyo kala dambeyn, iyadoo ay socoto howlo dib loogu dhisayo ciidamada qalabka sida.

“55 guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaan ciidanka xoogga dalka uga mahadcelinayaa sida ay u xaqiijiyeen sugidda amniga iyo xasiloonida dalka, waxaan bogaadinayaa sida ay uga guuleysteen argagixisada Al-Shabaab” ayuu yiri Danjire Maman Sidikou.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Dajire Maman Sidikou ayaa xusay inay sii wadayaan tababarida ay siinayaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, si ay u xaqiijiyaan guud ahaan amniga dalka.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa la aas aasay 1960, iyadoo xilligaasi taliyaha ciidanka laga dhigay Allaha u naxariistee Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirsi.

 

Previous Post

DAAWO SAWIRRADA XUSKA 55 GUURADA KA SOO WAREEGTAY AAS AASKA CXDS

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

February 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee JFS, Dr Cali Xaaji Aadam Abubakar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb...

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

February 2, 2026
0

Kulankii finalka ee Koobka Jeneraal Daa'uud ayaa galabta lagi soo gabagabeeyay Tuulada Cayaaraha ee Muqdisho, halkaasi oo ay u daawasho...

Guddiga Gurmadka Qaranka oo kulan ka yeeshay abaaraha dalka ka jirta

Guddiga Gurmadka Qaranka oo kulan ka yeeshay abaaraha dalka ka jirta

February 2, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Gurmadka Qaranka, ahna Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir,...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wafdiga Wasiir Al-Cadaala

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Wafdiga Wasiir Al-Cadaala

February 2, 2026
0

Magaalada Birmingham ee caasimadda labaad ee dalka UK ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay masuuliyiin uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In