Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha oo xafiiskiisa kula kulmay wafdi kasocday Hay’adda UNHCR

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Md. Cali Sheikh Maxamed  Nuur oo manta xafiiskiisa kula kulmay wafdi kasocday Hay’adda UNHCR oo ay horkacaysay Wakiilka Somalia ee UNHCR.

Kulankaas ayaa ugu horayn waxa la isku dhaafsaday warbixino ku aadan xaaladda qaxootiga Yemen halka ay marayso iyo war ka soo yeeray Dowladda Kenya kaaso oranayay in saddex bilood gudaheeda dib loo celinayo Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Qaxootiga Kenya.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

January 7, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

January 7, 2026

Wasiirka ayaa yiri “ waxan horay ugu jirnay dagaal ka dhan ah argagixisada taas oo culays badan aan saarnay, haddana waxa soo kordhay culeeskan qaxootiga Yemen iyo Kenya. Dowladda waxa ay u diyaargarowday labada gacan midna in ay cadawga kula dagaasho midna shacabkeeda dhiban wax ugu qabato, taasoo aan ula jeedo in aan bixin doono wax walba ee aan kari karnno, waxa aan xoojinaynaa Qaylidhaanti uu wasiirkeena horay ujeediyay ee ku aadanaa in loo sameeyo taageero dagdag ah Qaxootiga soo laabanayo ee soomaaliyeed ee kusugan Yemen”.

Wasiir ku xigeenka waxa uu ka codsaday Hay’adda UNHCR in loo helo maraakiib soo daabusho Qaxootiga ku dhiban Yemen. Sidoo kale waxa uu wasiirku  cadeeyay ilaa iyo hadda dhanka dowladda Kenya in ayan ka helin Xiriir rasmi ah ee ku aadan Dib usoo celinta Qaxootiga Soomaaliyeed eek u jira xeryaha Qaxootiga ee Kenya, asiga oo xusay in ay ka maqleen warbaahinta oo kaliyah.

Dhanka kale wasiir ku xigeenka waxa uu u mahadceliyay Hay’adda UNHCR dadaalka ay wado, waxa u dhiira galiyay in howsha la dardar galiyo wadajir iyo iskaashi dhaw lawada yeesho si loo samata bixiyo Qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan Yemen iyo Kenya.

Wakiilka ufadhiya Somaliya UNHCR ayaa warbixin guud ka bixisay tirade rasmiga ah ee qaxootiga soo laabtay waxa ayna ku sheegaty in ay gaarayaan 914 qof, halka soomaalida ay yihiin751, Yemeniyiintana gaarayaan 155, waxyaabaha loo qabto marka ay soo gaaraan Boosaaso iyo Barbara ayay ku sheegtay marka hore in la eego dhanka amniga dabadeedna loo saameeyo diiwaangelin ayada ay halkaasi diyaar ku yihiin koox la tacaashoo xaaladahaha dagdaga ah ee caafimaadka.

Wakiilka UNHCR ayaa sidoo kale ka hadashay arrinta cusub ee Qaxootiga Kenya waxa ayna sheegtay arrintaasi in ayan weli kusoo gaarin xiriir rasmi ah oo kaga yimid Dowladda Kenya, Mowqifka UNHCR horay ayaan u cadaynay. Ugu dambayn waxa ay soo dhawaysay in la sameeyo iskaashi iyo wada shaqayn dhaw in lawada yeesho.

Waxa la isla gartay:

 

In la sameeyo ololo dheeraad ah oo lagu badbaadinayo qaxootiga wali ku dhiban Yemen, si degdeg ahna loo soo samata bixiyo

Wasaaradda in ay tagto meelaha ay kasoo dagayaan Qaxootiga lana socoto xaaladda qaxootiga imaanayo.

In loo diyaar garoobo Qaxootiga Kenya ka imaanaya.

Warsaxaafadeed

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Sahanka oo looga hadlay Gurmadka deg dega ah “SAWIRRO”

Next Post

DHAGEYSO:Warka habeen ee Radio Muqdisho 13 04 2015

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

DHAGEYSO:Warka habeen ee Radio Muqdisho 13 04 2015

Minister of Defence Concludes Training of Gorgor Special Forces at TurKSom Academy

Minister of Defence Concludes Training of Gorgor Special Forces at TurKSom Academy

January 7, 2026
0

The Minister of Defence, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, today officially concluded a military training programme for units of the Gorgor...

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

January 7, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen oo ku guulaysatay siidaynta Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo 4 maalin ah ku xayirnaa xeebaha Dalka...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

January 7, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Gorgor ee...

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

January 7, 2026
0

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa si rasmi ah maanta u soo gabagabowday, iyadoo bulshada degmada ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In