Tuesday, July 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Cadaaladda oo ka qeyb galay shir looga hadlayo ka hortagga argagixisada iyo burcad badeedda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Cadaaladda oo ka qeyb galay shir looga hadlayo ka hortagga argagixisada iyo burcad badeedda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka cadaaladda ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa magaaladda Doxa ee Dalka Qatar uga qeyb galaya shir looga hadlayay ka hortagga argagixisada iyo burcad badeednimada, kaasi oo ay ka qeyb galeen shan boqol oo Ergo, kuwaasi oo ka kala socda 140 dal oo ay Soomaaliya ku jirto.

Shirkan   oo ay soo qaban  gaabisay  Qaramada  Midoobay,   isla markaana  afartii sano mar labto ayaa sanadkan lagu qabtay dalka Qatar, kaasi oo diiradda lagu saaray sida looga hortagi karo falalka argagixisada, burcadbadeedda iyo qodobo kale, iyadoo loo marayo hab sharci ah,

Related posts

Wasiirka  Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

July 27, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

July 27, 2026

Dr  Axmed Cali Daahir   Xeer  ilaaliyaha guud  ee Qaranka oo ka mid ah wafdiga Wasiirka Cadaaladda, isla markaana la  hadlay Warbaahinta Qaranka  ayaa  tilmaamay in shirka uu ahmiyad gaar ah u leeyahay Soomaaliya, maadaama ajandaha ugu muhiimsan ay tahay argagixisada iyo burcad badeedda.

“Waxyaabaha ay caalamka xilligan dhibaatada ku qabaan oo ku cusub, isla markaana u baahan in laga hortago waxaa ka mid ah dhibaatada ay geysanayaan burcad badeedda iyo argagixisada, sidoo kale kuwa burcad Internet-ka ah ee jabsanaya akoonada, ayaa shirka looga hadlay” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Shirkan oo furmay 12  bishaan ayaa lagu wxaa in la soo gabo gabeeyo 19-ka April, iyadoo Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka-jiir uu shirka ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayay garsoorka dalka, taasi oo u wada riyaaqeen dhamaan dadkii shirka ka qeybgalay.

Previous Post

Prof Jawaari: “Waxaan xukuumadda u gudbinay qorshe howleedka Baarlamaanka”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Wasiirka  Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

July 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa guddoomisay kulankii ugu horreeyay...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

July 27, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee...

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

July 27, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax (Abdifatah Hared), ayaa kulan la yeeshay wafdi...

Hoggaamiyaha KGS oo soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Masuuliyiin ka tirsan DFS oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusay sannad-guurada 5-aad ee Ololaha Nadaafadda Xeebaha

July 27, 2026
0

Muqdisho — Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu qabtay magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In