Monday, December 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciyaar Lagu Maamuusayay Munaasabadda Maalinta Dhir beerista Qaranka Oo Galabta Muqdisho Dhacday “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ciyaar Lagu Maamuusayay Munaasabadda Maalinta Dhir beerista Qaranka Oo Galabta Muqdisho Dhacday “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxaha Kubada Cagta ee Gaadiidka iyo Safaana ayaa galabta waxaa ay wada ciyaareen ciyaar lagu maamuusayay Munaasabada Maalinta Dhir beerista Qaranka Soomaaliyeed oo 17-ka April ku beegan,  waxaana kooxahaasi ay soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan oo ay daawanayeen dadweyne ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo mas.uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad goboleedyada Dalka ka jira.

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa daawanayay Ciyaartaas xiisaha badaneyd ee galabta ka dhacday Garoonka Koonis Stadium,  waxaana ka mid ahaa wasiiradaasi  wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Dalka Cabdullaahi Xasan Nuux , Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa, xubno wasiiro ah oo ka kala socday Maamul Goboleedyada dalka ka dhisan kuwaas oo maalmahaanba joogay Magaalada Muqdisho iyo xubnaha Gudiga Qaran ee loo saaray Maamuuska Maalintan.

Related posts

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025

Labada kooxood ayaa waqtigii loogu talo galay ciyaarta waxaa ay isla dhaafi waayeen bar bar dhac oo wax gool kalama dhalin ilaa aakhirkii  rigoorayaal ay ku kala baxaan, iyadoo guushu ku raacday kooxda Gaadiidka 3-2.

Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshadda Maamul Goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Axmed oo ka hadlay gabagabadii ciyaartaas ayaa waxaa uu sheegay in ay muujineyso niyad wanaag iyo nabad galyada ay haystaan bulshada Caasimada ku nool uuna aad u bogaadinayo.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Gaarane Maxamed ayaa isagu u mahad naqay kooxaha ciyaartan wanaagsan soo bandhigay iyo xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed.

2 4 11 13 9 16 15 14

SAWIR QAADE AXMED CALI KAAHIYE 

Previous Post

Barnaamijka kulanka todobaadka oo looga hadlay dhibaatooyinka Qaadka “Dhageyso”

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shir 5 maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha isbeddelka cimilada iyo nidaamka helida...

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO(GALGADUUD):-Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Cabdi Cusmaan Cabdullaahi iyo Gallad Axmed Xuseen, sidoo...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay kulanka xiritaanka ee Madasha Caalamiga...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa si rasmi ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In