Monday, May 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika oo loogu baaqay inay is dajiyaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Heshiis laga gaaray rabshad ka dhacday goobo  Soomaalida Koonfur Afrika ku ganacsadaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda koofur Africa ayaa waxaa ay kulan looga hadlayay wax ka qabashada dhibaatooyinka dadka wadankaasi soo galootiga ku ah la qaadatay safiirada dalalka caalamka u fadhiya Dalkaasi.

Qunsulka Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika Maxamed Cali Mire ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Wasaaraddu ay u gudbiyeen cabasho ku aadan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka lagu hayo dadka ajaanibta ah, iyagoo sheegay inay ka xunyihiin falalka ka dhacaya dalkaasi, loona baahanyahay in wax laga qabto.

Related posts

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

May 24, 2026
Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

May 24, 2026

“Waxaan ka codsanay in wax laga qabto falalka lagu bartilmaameedsanayo dadka ajaanibta ah, runtii waxa dhibka wada waa dhallinyarro is abaabushay oo tuugo u badan, mana ahan ciidan soo duulay, waxayna noo balan qaadeen in ay wax ka qabanayaan dhibaatooyinka dadka ku howlan” ayuu yiri Maxamed Cali Mire.

Qunsulka ayaa xusay in dowladda Koonfur Afrika ay ka codsadeen sidoo kale in laga hortago dhibka lagu hayo dadka ajaanibta, waxaana uu ugu baaqay Jaaliyadda Soomaaliyeed inay is dajiyaan.

Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa isa soo tarayay dhibaatooyinka loo geysanayo ajaanibta ku dhaqan dalka Koonfur Afrika oo ay Soomaalda ku jirto, iyadoo boob iyo dil loo geysano ajaanibta dalka ku sugan, taasi oo ay walaac ka muujiyeen dalal badan oo caalamka ah.

Previous Post

Wasiirka Kalluumeysiga: “Kalluumeysato halaga caawiyo inay helaan qaboojiyeyaal”

Next Post

Barakacayaal dalbaday gargaar

Next Post
Barakacayaal dalbaday gargaar

Barakacayaal dalbaday gargaar

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa bayaanka wadajirka ah ee ay...

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalal badan oo Islaami ah ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada ay maamulka Somaliland ku...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u hakisay in Dalka Masar loogu safro oggolaanshaha safar ee loo...

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrika 

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrika 

May 24, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa sanadkaan si heer sare ah u soo agaasintay xuska Maalinta Afrika (African Day), oo lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In