Kulanka ayaa waxaa uu ka dhacay xarunta Safaaradda Dowladda Turkigu ku leedahay magaalada Muqdisho waxaana ay mas,uuliyiintu ka wada hadleen hormarinta Warbaahinta Qaranka iyo sidii Dowladda Turkigu gacan uga geysan lahayd arimahaas .
Mas,uuliyiinta ka socotay wasaarada Warfaafinta ee kulanka la qaatay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya kulanka la qaatay ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiiru Dowlaha Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumada Soomaaliya mudane Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos .Agasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska mudane Cabdi risaaq cali Yuusuf Bahlaawi .Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdi raxiin Ciise Cadaw.iyo Agaasimaha Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Axmed Faarax Gaatamow .
Madaxda Wasaaradda ayaa waxaa ay Danjiraha u bandhigeen Codsi ah in ay Wasaaradda Warfaafinta ka gacansiiso hormarinta iyo tayeynta Wasaarada si gaar ah Qaybta Warbaahinta oo Dhawaanahaanba ay socdeen dadaalada lagu tayeynayo Safiirka Dowladda Turkiga ayaana balan qaaday in Dowladiisa ay diyaar u tahay in ay Dowladda Soomaaliya garab istaagto si gaar ahna hormarinta Wasaarada Warfaafinta ay gacanweyn ka geysan doonto.
kulanka markiii uu soo idlaaday ayaa waxaa Warbaahinta Qaranka Faah faahin ka siiyay Qodobada ay ka wada hadleen labada dhinac Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos.
kulankaas ayaa waxaa uu qayb ka yahay dadaalo dhawaanahaanba Madaxda Wasaaradda Warfaafinta Dahqanka iyo Dalxiiska ay wadeen oo ay ku doonayaan in la hormariyo wasaaradda iyo qaybaheeda kala duwan.