Thursday, November 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska ciidanka Xoogga dalka oo qeybo cusub u magcaabay saraakiil dhowaan la dalacsiiyey “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Taliska ciidanka Xoogga dalka oo qeybo cusub u magcaabay saraakiil dhowaan la dalacsiiyey “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Saraakiishaan oo qaadatay tababarka layli sarkaal oo dhawaan loo soo gabagabeeyay ayaa maanta munaasabad lagu qabtay xerada Ciidamada xooga dalka ee Jasiira waxaa looga dhawaaqay in loo kala badalay qaybo ka mid ah Ciidanka waxaana ka qayb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhiga Cabdalle Xuseen Cali. Abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka xooga.

Saraakiishaan ayaa waxaa loo kala badalay dhowr gobol iyo qaybo ciidanka ka mid ah sida taliye koox ,taliye horin,tababarayaal iyo kuwa kale dugsiyada tababarka ciidanka ee Dhoobley, beledxaawo, Baydhabo, Dhuusamareeb, Jowhar iyo goobo kale ayaa saraakiisha qaar loo badalay.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

November 13, 2025
Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

November 13, 2025

Madaxa hogaanka Ciidanka Jeneraal Caynte oo ka hadlay munaasabada ayaa waxaa uu halkaa ka aqriyay magacyada saraakiisha iyo goobaha loo kala badalay isagoo kula dardaarmay saraakiisha in howlaha loo idmaday ay u gutaan si wanaagsan.

Abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Cabdi Risaaq Khaliif Cilmi ayaa waxaa uu sheegay in uu socdo qorshe balaaran oo dib u habeyn iyo tayeen loogu sameynayo Ciidanka xoogga dalka oo la doonayo in marka la gaaro 2016 ka ay ciidamada AMISOM kala wareegaan dalka goobaha ay ka joogaan saraakiishaanina ay qorshahaas qayb ka yihiin.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdalle Xuseen Cali ayaa waxaa uu la dardaarmay saraakiisha la dalacsiiyay ee loo idmaday in ay hogaanka ciidanka xoogga ka qayb qaataan .

Ciidamada mas’uuliyiintu ay kula hadleen xerada Jasiira ayaa waxaa ka mid ahaa ku dhawaad 30 arday ka soo qalin jabisay kuliyada ciidamada jaamacad ku taala dalka Sudan. Xaflad lagu qabtay magaalada Khartuum ee dalka Sudan ayaa waxaa ka qayb galay madaxweynaha dalkaas mudane Cumar Xasan Al Bashiir iyo wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Soomaaliya mudane Cabdalle Xuseen Cali  waxaana Al Bashiir uu kula dardaarmay Ardadydaan in aqoonta ay barteeen ay ugu adeeegaan Qaranka Soomaaliya.

3 2 3 4 5 6 1

8 9 10 11 13

Sawir Qaade:- Axmed Cali Kaahiye

 

 

Previous Post

Muqdisho: “Shacabka haka feejignaadaan shirqoolada ay maleegayaan Shabaab” Dhageyso

Next Post

Waxgaradka ka qayb galaya shirka Cadaado oo soo dhaweeyay Hanaanka shirku ku socdo

Next Post
Waxgaradka ka qayb galaya shirka Cadaado oo soo dhaweeyay Hanaanka shirku ku socdo

Waxgaradka ka qayb galaya shirka Cadaado oo soo dhaweeyay Hanaanka shirku ku socdo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

November 13, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow...

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

November 13, 2025
0

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada...

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta oo dhagax dhigay Masaajid cusub.

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta oo dhagax dhigay Masaajid cusub.

November 13, 2025
0

Munaasabadda dhagax-dhigga masaajidka cusub ee laga dhisayo Taliska Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiisyo is-afgarad ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga .

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiisyo is-afgarad ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga .

November 13, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ansixiyey heshiisyo Is-afgarad ah oo u dhexeeya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In