Thursday, September 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo ka hadlay Xakameynta hubka dowladda -DHAGAYSO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 28, 2015
in Wararka, Xulashada
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Dowladda oo lagu wareejiyay qalab casri ah oo ka hortagga walxaha qarxa

Dowladda oo lagu wareejiyay qalab casri ah oo ka hortagga walxaha qarxa

September 11, 2025
Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

September 11, 2025

Madaxweynaha SOomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixinayso sidii loo xaqiijin lahaa in la heli ciidan qaran oo ay ku jiraan dhammaan dadka Soomaaliyeed, ayadoo sidoo kale la xakameyn doono hubka dowladdu ay leedahay.

Khudbad uu shalay ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 6aad ee baarlamaanka ayuu ku sheegay in guddi gaar ah oo ka kooban xukuumadda iyo maamullada gobollada ay ku howlan yihiin dhismaha ciidanka iyo isku dhafkooda. Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladdu ay diyaarisay hannaan lagu diiwaan galinayo hubka dowladda isla markaana suurta galinaya in askari kasta lagu koontoroollo hubka ay dowladdu siiso.

Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay in dowladdu ay ku howlan tahay sidii sanadka 2016-ka dalka loo gaarsiin lahaa doorasho ay ka yimaadaan hay’adihii beddeli lahaa dowladda hadda jirta. Si loo gaaro arrintaan dowladdu waxay qaadday tallaabooyin ay ka mid yihiin sugidda ammaanka, diyaarinta sharuucda dib u eegista dastuurka iyo xudduudaha iyo waliba dhismaha maamul goboleedyo KMG ah.

Qeybta Hoose ka dhagayso khudbadda madaxweynaha oo dhammeystiran

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/04/Khudbadda-Madaxweynaha-Jamhuuriyadda-Fedaraalka-ah-Ee-Somalia-Mudane-Xasan-Shiekh-Maxamuud-.mp3
Previous Post

Dab hanti badan bur buriyay oo caawa Garoowe ka kacay {SAWIRRO}

Next Post

Beelo lagu heshiisiinayo gobolka Bakool

Next Post
Beelo lagu heshiisiinayo gobolka Bakool

Beelo lagu heshiisiinayo gobolka Bakool

Dowladda oo lagu wareejiyay qalab casri ah oo ka hortagga walxaha qarxa

Dowladda oo lagu wareejiyay qalab casri ah oo ka hortagga walxaha qarxa

September 11, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad ay Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ku wareejinaysay...

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Laascaanood

September 11, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay magaalada Laascaanood, caasimadda dowlad...

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

September 11, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii gardarrada ahaa ee maamulka Israa’iil u gaystay dalka...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hey'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Suldaan Mustafa Awseed, oo ka mid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In