Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha wasiirada oo magacaabay taliyeyaasha ciidammada Booliska iyo Asluubta ‘Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Golaha wasiirada oo magacaabay taliyeyaasha ciidammada Booliska iyo Asluubta ‘Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan golaha wasiirada ee maanta oo uu shir gudoominayay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya mudane  Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu horeyso dhanka amaanka iyo hour u socod siinta wadanka.

Shirkooda Khamiislaha ah ayay golaha wasiiradu uga hadleen arrimaha amniga, waxbarashada caafimaadka, ayagoo sidoo kale isku raacay in Generaal Maxamed Xasan Xaamud uu noqdo taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiwali.

Related posts

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026

“Marka golaha wasiirada dood dheer ayey ka yeesheen magacaabista cida buuxin doonta bookaas oo ay golaha wasiirada soo bandhigeen, waxaana runtii cod aqlabiyad leh ay isku raaceen in general Maxamed Xasan Xaamud oo aad wada garaneysaan ahaana wasiirkii hore ee gaashindhiga uu buuxin doono booskaas waxaan rajeyneynaa inuu ilaahey u saqiro howshaas, “

Sidoo kale waxay golaha wasiiradu isku raaceen in taliyaha ciidanka Asluubta loo magacaabo Gen. Bashiir Maxamed Jaamac “Goobe” oo horay u soo noqday taliyaha nabad sugidda qaranka.

“Golaha wasiirada waxaa kaloo ay maanta aad iyo aad uga dooden magacaabista taliyaha ciidanka asluubta soomaaliyeed oo iyana ay wasaarada cadaalada soo jeedisay dood dheer kadib waxaa laisku raacay in loo magacaabo taliyaha ciidanka asluubta soomaaliyeed general bashiir maxamed jaamac oo horay u ahaa taliyihi nabad sugida hadana ah mudane baarlamaan oo aan filaayo inaad wada garaneysaan qibrad dheerna u leh arimaha ciidanka booliska iyo amniga waxaan rajeyneynaa in isna howshaas uu ka soo dhalaali doono.,

Golaha wasiirada waxaa kaloo wasaarada cadaaladu ay hor keentay qaab siyaasadeedka cafiska iyo fursad siinta dadka xagjirka oo runtii aad iyo aad looga dooday ugu dambeyna la ansaxiyay waxaana ahmiyadiisu ay tahay sidii dadka xagjirka loogu qancin lahaa in ay ka tanaasulaan dhibaatooyinka ay ku haayaan dadkeena soomaaliyeed kadiba cafis loo fidyo”

Golaha wuxuu ansixiyay siyaasadda amniga hoteellada iyo goobaha ganacsiga, taas oo la doonayo inay dhaqan geliyaan milkiileyaasha aminga iyo ganagsatada. Golaha wasiiradu waxa kale oo ay ka hadleen xaalada qaxootiga soomliyeed ee dalka yaman iyo sidii loo soo xiijin lahaa gurmadka lagu badbaadinayo muwaadiniinta soomaaliyeed ee dalka yaman ku xayiran.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed

Previous Post

“Sawirro”Madaxweynaha oo furay shirka wada_tashiga dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada

Next Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo booqday xarumaha maamulka Puntland- SAWIRRO

Next Post
Madaxweynaha Soomaaliya oo booqday xarumaha maamulka Puntland- SAWIRRO

Madaxweynaha Soomaaliya oo booqday xarumaha maamulka Puntland- SAWIRRO

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In