Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka wadatashiga Dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada Oo Maalintii labaad  Galay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirada Madaxweynaha Dalka  Shirarkii Garoowe Uu Kaga Qeybgalay Iyo Xaruumaha Uu Booqday
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkii wadatashiga ee Dowladda Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka Ka Jira ee Shalay Garoowe ka furmay ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Garoowe, iyadoo la filayo in  laga soo saaro  warmurtiyeed ku saabsan qodobada ka shirka.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ku sugan Garoowe ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in shirka oo maalintii labaad galay uu si wanaagsan u socdo islamarkaana ay ka rajeynayaan in wax wanaagsan ay uga soo baxaan dadka Soomaaliyeed.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026
Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

January 8, 2026

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa sheegay  shirka intii uu socday laga wada hadlay arrimo kale duwan oo gogol xaar u noqoneysa masiirka umadda Soomaaliyeed oo ay ugu horeyso isku dhafka iyo dib u dhiska ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo qeybsiga Kheyraadka Dalka.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi xayir Maareeye oo sii hadlay ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii loo horumarin lahaa dalka, shirkana uu qeyb ka yahay dadaalada dalka lagu horumarinayo islamarkaana waqtiyada soo socota Madaxda ka qeyb galeysa shirka ay ka soo saari doonaan War murtiyeed.

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shalay magaalada Garoowe ku daah furay wajiga labaad ee shirka wada tashiga Dawladda federaalka ah iyo dawlad-goboleedyada xubnaha ka ah, waxaana kasoo qeybgalay madaxweynayaasha Puntland,jubbaland, iyo koonfur galbeed. waxaa kaloo shirka goob joog ka ahaa  wafuud ay kala hogaaminayeen madaxweynayaasha madasha ku suganaa,

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha oo sheegay in New Deal uu si gaabis ah u socdo

Next Post
Madaxweyne Xasan sheekh oo shir wada tashi ah ka furaya Garoowe

Madaxweynaha oo sheegay in New Deal uu si gaabis ah u socdo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, dadaallada...

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

January 8, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Aadan Maxamed, ayaa maanta ka qaybgalay kulankii...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil oo ka socda  Muqdisho

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil oo ka socda Muqdisho

January 8, 2026
0

Bannaanbax ka dhan ah xadgudubka Israa’il ee madaxbannaanida JFS ayaa caawa ka socda Muqdisho. Bannaanbaxan ayaa waxaa dhigaya boqolaal qof...

Taliska Booliska Gobalka Banaadir oo qabtay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

Taliska Booliska Gobalka Banaadir oo qabtay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa guddoomiyay shir deg-deg ah oo looga hadlayay amniga Caasimadda....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In