Monday, June 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War Murtiyeedka Madasha Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 2, 2015
in Wararka, Xulashada
0
War Murtiyeedka Madasha Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Garoowe, 2 May 2015: Iyadoo laga ambaqaadayo shirkii 1aad ee Madasha Wadatashiga, ayaa waxaa magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntand lagu qabtey shirkii labaad ee madasha intii u dhexeysey 30 April ilaa 1da May, waxaana ka soo qeybgalay Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo madaxda dawladaha xubnaha ka ah DFS (Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed). Waxaa shirkan ka soo baxay warmurtiyeedkan:

  1. Fulinta iyo Hirgelinta Heshiisyadii Horey loo Galay.

Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha xubnaha ka ah waxay isku afgarteen dardar-galinta iyo fulinta dhammaan heshiisyadii ay horay u gaareen dhinacyada , si arrintaasi loo gaaro waxaa lagu heshiiyey in la magacaabo guddi isku-dhaf ah oo ka shaqeeya hirgelinta heshiisyadaas, waxaana la soo dhoweeyey wixii ka qabsoomay heshiisyadii la galay.

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
  1. Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka.

Si loo dardargaliyo geeddi socodka dib u eegista dastuurka, waxay madashu isku raacday in la dhamaystiro xubnaha ka dhiman guddiyada dib u eegista iyo kormeerka dastuurka ee ka imanaya dowladaha xubnaha ka ah federaalka sida ku cad Qodobka 133 farqadiisa labaad xarafka (a) iyo qodobka 134 farqadiisa labaad.

  1. Hiigsiga 2016 (vision 2016).
  • Waxaa la isku raacay in dalka Soomaaliya ay ka qabsoomaan doorashooyin xor ah 2016.
    • In talada geeddi socodka Hiigsiga 2016 ay ahaato mid loo dhan yahay.
  1. Dhismaha Dawladaha Xubnaha ka noqonaya dawladda Federaalka.
  2. a) Dhismaha dawladaha ka mid noqonaya Dawladda Federaalka waa in uu ku salaysan yahay Dastuurka kmg ah.
  3. b) Waxay Madasha wadatashigu isku raaceen in dhismaha maamulka ku meer gaarka ah ee Gobolada dhexe ee ay Dawladda federaalku hoggaaminayso lagu saleeyo heshiiskii 14 Octoober 2014 qodobkiisa 1.3 ee ay isla gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Puntland.
    c) Ergooyin ka socda gobolka Mudug qaybta Puntland lagama qaybgelin karo shirka maamul u samaynta Gobollada Dhexe.
  4. Amniga:
  5. a) Dhismaha iyo isku dhafka ciidan qaran (Somali National Army).
  6. b) Waxaa la isku raacay in la hirgeliyo is-afgaradkii 12 Abriil 2015 ee Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke iyo Madaxweynaha Dawlada Puntland Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas kaas oo tilmaamayey in Puntland 3000 oo askari looga qoondeeyo Ciidanka Xoogga Dalka Somaaliyeed(XDS) iyo in dowladda Dhexe ay la wareegto xuquuqda ciidankaas.
  7. c) In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay taageero guud siiso dowladaha xubnaha ka ah DFS,Gaar ahaan in Puntland laga caawiyo la dagaalanka argagixisada, iyadoo cabsi laga qabo in argagixisadu ka soo gudubto xuduud- badeedka u dhexaysa Yemen iyo Soomaaliya.
  8. d) In Wasaaradda Amniga Dowladda Federalka ay abuurto xiriir iyo iskaashi joogta ah oo u dhexeeya wasaaradaha amniga ee dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka, gaar ahaan arrimaha khuseeya amniga iyo la dagaalanka argagixisada.
  9. e) In la diyaariyo qorshe mideysan oo looga saarayo Ururka Gummaadka Ummadda Soomaaliyeed(UGUS), deegaannada wali gacantooda ku harsan.
  10. f) In sida ugu dhaqsaha badan loo sameeyo Guddiga Ammaanka Qaran sida ku cad Dastuurka ku- meel-gaarka ah ee Dowladda Federaalka cutubka 10aad, Qodobka 111(h) ee tilmaamaya dhismaha guddiga ammaanka qaran.
  11. g) Si loo dardargeliyo xoraynta iyo xasilinta deegaannada waxaa beesha caalamka laga codsanayaa inay taageero buuxda ka geystaan dhismaha ciidan boolis oo ay leeyihiin dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, si ay fuliyaan hawlaha sugida amniga, degmo walbana loo qoondeeyo 200 oo askari boolis ah.
  12. Wadaagga Kheyraadka:
  • Ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah
    a) In kheyraadka dalka Soomaaliya ku jira ay tahay hanti ummad Soomaaliyeed ay wada leedahay, lana dhiiri galiyo sidii looga wada faa’idaysan lahaa.
    b) In la sameeyo isla markaana la dhameystiro dhammaan sharuucda ku aadan ka faa’idaysiga iyo wadaaga kheyraadka dabiiciga ah.
  1. c) Si loo dedejiyo samaynta shuruucda qeybsiga kheyraadka dabiiciga ah waxay madashu ku heshiisay in la magacaabo mudo 45 cisho gudohood ah, guddi ka kooban Dowladda Federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah oo ka soo shaqeeya heshiis ku meel gaar oo ku saabsan qeybsiga kheyraadka dalka.
  • Qaybsiga Deeqaha Caalamiga ah iyo Cahdiga cusub (New Deal)
    a) Waxaa la isla gartay inaan lagu qanacsanayn loona baahan yahay in dib u eegis lagu sameeyo cahdiga cusub (New Deal).
  1. b) Deeqaha lagu helo magaca Soomaaliyeed in loo qaybiyo si caddaalad ah iyadoo la abuurayo jawi abuuri kara kalsooni iyo hufnaan lana dhiso guddi farsamo oo ka kooban Dowladda Federaalka Soomaaliya dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.
  2. Baahinta maamulka gobollada iyo degmooyinka:
    Waxay madasha isku raacday in dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay dedejiyaan dhismaha iyo dhamaystirka maamullada gobolada iyo degmooyinka.

——DHAMMAAD————-

unnamed

1 2 3 4 5 6 7

Previous Post

Madaxweynaha oo dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho

Next Post

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In