Wednesday, April 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada amniga oo ku guuleystay inay qarax ka furaan gaari lagu soo xiray

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Howlgallo amni xaqiijin ah oo laga sameeyay Degmada Dhuusamareeb
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu soo bandhigay gaari uu iska leeyahay sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kaasoo gaarigiisa loogu soo xiray waxyaabaha qarxa, isla markaana la doonayay in isaga lagu qaarijiyo, waxaana ka hortagay ciidamada xoogga dalka iyo booliska.

Goobta gaarigan lagu soo bandhigay ayaa waxaa ku sugnaa Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saraakill kale.

Related posts

MARWADA MADAXWEYNAHA JFS OO DEEGAANKA JAZIIRA  QADO UGU SAMEEYSAY  CARRUUR AGOON AH OO AY GACANTA KU HAYSO

MARWADA MADAXWEYNAHA JFS OO DEEGAANKA JAZIIRA QADO UGU SAMEEYSAY CARRUUR AGOON AH OO AY GACANTA KU HAYSO

April 28, 2026
Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

April 28, 2026

Ciidamada sida gaarka ah ugu tababaran fashilinta iyo ka hortaga walxaha qarxa ayaa ku guuleystay in ay qaraxa gaariga ka furaan, isagoo aan haba yaraatee waxyeelo geysan, iyagoo adeegsanaya qalab casri ah.

Intaasi ka dib ayaa waxaa goobta warbaahinta Qaranka loogu soo bandhigay gaarigii oo bad qaba iyo qaraxii oo laga furay iyo sidoo kale Telefoonka gacanta oo la doonayay in lagu qarxiyo.

Abaandulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Cabdirsiaaq Khaliif Cilmi oo Warbaahinta Qaranka kula hadlay goobta gaarigan lagu soo bandigay ayaa tilmaamay in ciidanka ay ku guuleysteen in gaariga ay ka furaan walxaha qarxa.

“7:20 daqiiqo ee saaka ayaa sargaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo shaqadiisa ku sii jeeda, waxa ay gaarigiisa ku soo xireen Walxaha qarxa oo ay ku doonayeen in ay ku qarxiyaan marka uu xarunta soo galo, howshan waxaa iska kaashaday ciidamada booliska iyo militeriga oo u tababaran inay ka hortagaan falalka nuucaani oo kale ah, ee ay dhagar qabayaashu doonayaan inay dadka ku laayaabn” ayuu yiri Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ay sii laba jibaaraan garab istaaga hay’adaha ammaanka ee dalka, si looga hortago dhagarta kooxdan ay shacabka la damacsaniyihiin.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha gudaha oo ka hadlay halka uu marayo dhismaha guddiyada xuduudaha iyo doorashooyinka

Next Post

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka oo kormeeray xerada gaadiidka ciidanka xoogga

Next Post
Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka oo kormeeray xerada gaadiidka ciidanka xoogga

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka oo kormeeray xerada gaadiidka ciidanka xoogga

MARWADA MADAXWEYNAHA JFS OO DEEGAANKA JAZIIRA  QADO UGU SAMEEYSAY  CARRUUR AGOON AH OO AY GACANTA KU HAYSO

MARWADA MADAXWEYNAHA JFS OO DEEGAANKA JAZIIRA QADO UGU SAMEEYSAY CARRUUR AGOON AH OO AY GACANTA KU HAYSO

April 28, 2026
0

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sahro Cumar Xasan ayaa maanta booqasho ku tagtay deegaanka Jaziira, halkaas oo ay qado ugu...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

April 28, 2026
0

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Jibriil...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

April 28, 2026
0

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

April 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In