Sunday, July 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha gudaha oo ka hadlay halka uu marayo dhismaha guddiyada xuduudaha iyo doorashooyinka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 3, 2015
in Wararka
0
Wasiirka arrimaha gudaha oo ku baaqay in gurmad loo sameeyo dadkii ka barakacay Guriceel “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xafiiskiisa Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ay garbihiisa fadhiyaan Wasiiru dowlaha iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradaas ayaa waxa uu uga hadlay halka uu marayo dhismaha guddiyada doorashooyinka iyo xaduudaha dalka oo Wasaaradu dhawaanahaanba dadaal ugu jirtay sidii ay u dhisi lahayd.

Wasiirka ayaa shirkiisa jaraa’id ka hor waxaa uu kulan la qaatay guddi dhawaan Wasaaraddu u xil saartay sidii ay u soo kala saari lahaayeen xubno badan oo araajidooda ay ku doonayaan in ay xubno uga noqdaan guddiyadaas Wasaaradda u soo gudbisay, waxaana uu uga mahadceliyay Wasiirku guddigaas howsha ay soo qabteen.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka  ayaa sheegay in guddigaasi uu Wasaaradda ku soo celiyay liiska 27 qof oo ay ka soo xuleen 350 xubnood dad ka badan Wasaaraduna ay u gudbineyso golaha Wasiirada ka dibna ay usii gudbin doonaan Baarlamaanka.

“waxaa jira guddi aanu 21maalin ka hor u saaranay in ay soo kala saaraan araajida mas’uuliyiin 350 ka badan, Wasaarada ayay ku soo celiyeen araajida 27 ruux waa mahadsanyihiin, anaguna waxaan u gudbin doonaa xukuumada kadibna baarlamaanka ayaan u sii gudbineynaa waxaa nalaga rabaa in aan ka dhigno 18 xubnood oo mid 9 ah oo labada guddi” ayuu yiri Wasiir Odowaa.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka ayaa waxaa uu ka hadlay halka uu marayo dhismaha maamulka gobolada Mudug iyo Galgaduud loo dhisayo, waxaana uu Wasiirku sheegay in dad dano gaar ah leh ay warar aan sax ahayn ka sheegeen shirkaas, isla markaana uu shirka meel wanaagsan marayo.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa dadaal ugu jirta dhameeystirka dhismaha dowlad goboleedyada xubnaha ka noqonaya dowladda Federaalka ah, waxaana hadda socda qorshe Wasaaraddu ay ku dooneyso in maamul loogu sameeyo gobolada Hiiraan iyo Shabelaha dhexe.

Previous Post

Shacabka ku nool Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo ka cabsi qaba fatahaadda webiga Shabeelle

Next Post

Ciidamada amniga oo ku guuleystay inay qarax ka furaan gaari lagu soo xiray

Next Post
Howlgallo amni xaqiijin ah oo laga sameeyay Degmada Dhuusamareeb

Ciidamada amniga oo ku guuleystay inay qarax ka furaan gaari lagu soo xiray

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In