Saturday, March 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shil gaari oo ay dad ku dhinteen ayaa ka dhacay KM13

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Shil gaari oo ay dad ku dhinteen ayaa ka dhacay KM13
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimmatay shil gaari oo ka dhacay degaanka KM13 ee duleedka magaalada Muqdisho, sida ay ku warramayaan dad  goobjoogeyaal ah.

Gaari yar oo aroos ka keenay degmada Afgooye ayaa gaddoomay kaddib markii fariin laga waayay, halkaasna waxaa ku dhintay laba haween ah oo midkood uur lahaa iyo qof rag ah oo la tuhunsan yahay inuu ahaa darawalkii gaariga.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Wakiilka QM ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Wakiilka QM ee Soomaaliya

March 14, 2026
DAAWO: Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlaya abaaraha dalkeenna

DAAWO: Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlaya abaaraha dalkeenna

March 14, 2026

“Shilku wuxuu u dhacay, gaarigu kaligiis ayuu ahaa kaddibna waa soo fariin goostay, darawalkii gaariga waday wuu celin waayay, gaarigu wuxuu ahaa gaari Afgooye aroos ka keenay, Xamar ayuu u soo waday” ayuu yiri qof goobj-googe ah oo la hadlay Radio Muqdisho.

Dadka ku dhaawacday ayaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho si loogu dabiibo goobaha caafimaadka.

Waddada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, badanaa waxaa ka dhaca shilal noocaan ah oo ay ku waxyeeloobaan dad badan.Gaadiidka oo xawaare sare lagu wado iyo jidka oo dhuuban ayaa inta badan sababa shilalka.

Previous Post

Ra’iisul-wasaaraha oo baarlamaanka u faahfaahinaya qorshaha xukuumadda

Next Post

Madaxweynaha oo sheegay in dalku isku filanaasho gaari doono-DHAGAYSO

Next Post
Madaxweynaha oo ka qeybgalay barnaamijka kulanka Todobaadka kana jawaabay su’aalo “Dhageyso+Sawirro”

Madaxweynaha oo sheegay in dalku isku filanaasho gaari doono-DHAGAYSO

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Wakiilka QM ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira-dhal ah la yeeshay Wakiilka QM ee Soomaaliya

March 14, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta hay’adda ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada...

DAAWO: Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlaya abaaraha dalkeenna

DAAWO: Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlaya abaaraha dalkeenna

March 14, 2026
0

Guddoomiyaha SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle oo sheegay in dagaallada ka socda Bariga Dhexe ay kaga sii dareen xaaladdii abaarta...

Wasiir Fiqi oo la kulmay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Wasiir Fiqi oo la kulmay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya

March 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowladda  Qatar u fadhiya Soomaaliya,...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee dalka Mareykanka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka warbixiyay safarkiisii shaqo ee dalka Mareykanka

March 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa faahfaahin ka bixiyay qaraar uu meel mariyay Baarlamaanka gobolka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In