Wednesday, December 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Tartanka kubadda cagta ah oo ku saabsan isdhexgalka bulshada oo la soo gabo gabeeyay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Tartanka kubadda cagta ah oo ku saabsan isdhexgalka bulshada oo la soo gabo gabeeyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartankan Cayaaraha futsalka ee kubadad cagta ah oo loogu tala galay in laguxoojiyo isdhexgalka bulshada iyo nabadda oo soconayay mudo 15 maalmood ah  ayaa lagu soo geba gebeyeey  Degmada Howlwadaag, iyadoo ay ka qeyb galeen Wasiir ku-xigeenka Wasaradda dhalliyarada iyo Isboortiga, xubno ka socday maamulka Gobolka Banaadir oo uu hogaaminayay Guddoomiye ku-xigeenka Mamulka gobolka ee dhanka Howlaha Guud.

Tartanka oo ugu dambeyntii ay ku wada kulmeen cayaartooy ka kala socotay degmooyinka Waaberi iyo Dharkeeynleey, isla markaana uu soo qaban qaabiyay ururka dhallinyarada Gobolka Banaadir ayaa waxa ay ku soo idlaatay 9-1 oo ay guusha ku raacday cayaartooydii ka socotay degmada Waaberi, iyadoo dadkii u soo daawasho tegay cayaarta ay aad ula dhaceen qaab ciyaareedkii ay soo bandhigeen labada dhinac.

Related posts

Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

December 10, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

December 10, 2025

Guddoomiyaha ururka dhallinyarada  gobolka banaadir Cabdikaafi Maxamuud Makaraan  oo ka hadlay goobta ayaa kula dar daarmay dhallinyaradu in ay  kordhiyaan cayaaraha
nuucaani oo kale ah  ee lagu xoojinaya  isdhexgalka bulshada.

Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag Axmed Nuur Cabdi Siyaad ayaa uga mahadceliyay cayaartooyda labada degmo, cayaar wanaag ay muujiyeen inta uu tartanku socday, waxaana uu intaa ku daray in tani ay qeyb weyn ka qaadan karto isdhexgalka bulshada.

Guddoomiye ku-xigeenka  howlaha  Guud ee Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cilmi Cali  oo ka hadlay halkaasi ayaa tilmaamay in tartamada  cayaaraha kubadda cagta ay tahay mid lagu horumarin karo isdhexgalka bulshada iyo xoojinta amniga.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga  Cismaan Aadan Dhuubow oo  soo xiray tartankaasi ayaa  tilmaamay in  dhallinyarada  degmooyinka Waaberi iyo  Dharkeenleey ay muujiyeen dadaal dheeri iyo cayaar wanaag, isagoo uga mahadceliyay intii soo qaban qaabisay tartanka lagu xoojinayay isdhexgalka bulshada.

_MG_8914 _MG_8915 _MG_8976 _MG_8984 _MG_8988 _MG_8992 _MG_9007 _MG_9011 _MG_9047 _MG_9079 _MG_9083 _MG_9088

 

 

 

 

Previous Post

Xulka Soomaaliya oo bar baro lagalay Xulka Rwanda, kana haray CAF U-23 Championship 2015

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga: “Tababarada Ciidamadu waa astaan muujinaysa Dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida” SAWIRRO

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga: “Tababarada Ciidamadu waa astaan muujinaysa Dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida” SAWIRRO

Wasiirka Gaashaandhigga: “Tababarada Ciidamadu waa astaan muujinaysa Dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka sida” SAWIRRO

Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Golaha Shacabka oo Marsiiyey Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

December 10, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kulankii 20-aad ee kalfadhiga 7-aad,...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sii wada fadhiyada bahda dublumaasiyiinta shisheeye.

December 10, 2025
0

Muqdisho, Arboco, 10 Diseembar 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo sii wada kulamada uu la...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee XFS oo daah-furay Xuska Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka.   

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee XFS oo daah-furay Xuska Maalinta Xuquuqul Insaanka Adduunka.  

December 10, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga...

Xuska Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo ka socota magaalada Muqdisho.

Xuska Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo ka socota magaalada Muqdisho.

December 10, 2025
0

Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka (10-ka December) ayaa sanadkan si gaar ah diiradda u saaraysa kor u qaadista...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In