Monday, August 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirrada Maalliyadda,Garsoorka,Warfaafinta,Qorsheynta,Awqaafta,Boostada Iyo Isgaarsiinta Oo Su’aallo La Weeydiiyey

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 11, 2015
in Wararka
0
Wasiirrada  Maalliyadda,Garsoorka,Warfaafinta,Qorsheynta,Awqaafta,Boostada Iyo Isgaarsiinta Oo Su’aallo La Weeydiiyey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sida ballantu aheyd waxaa maanta guddiyada Baarlamaanka ay horey usii dhaqaajiyeen su’aallo weeydiinta iyo ka baaraan degidda qorshayaasha laga doonayo Wasaarradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaana maanta la qaabilay ilaa lix Wasiir ayadoo kulammadaasina ay shir guddoominayeen Guddoonka Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa shir guddoomiyey kulan howleed ay guddiga Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Baarlamaanka Soomaaliya ku qaabileen Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay wehliyeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo agaasimaha Warbaahinta, waxaa sidoo kale guddigu isla maanta qaabileen Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Guuleed Xuseen Qaasim.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

August 18, 2025
Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

August 18, 2025

Afhayeenka Baarlamaanka ayaa tilmaamay inaanay jirin haba yaraatee wax xifaaltan ah oo u dhaxeeya laamaha fulinta iyo sharci dejinta laakiinse muhiimaddu ay tahay in wadajir loo wada shaqeeyo si loo gaaro halka la hiigsanayo.

“laanta sharci dejinta oo ah Baarlamaanka iyo laanta fulinta oo ah Xukuumadda Federaalka tartan kama dhaxeeyo ee xisaabtan ayaa ka dhaxeeya, wadashaqeyntana waan ula jeedaa xitaa Federaalka aan dhiseyno waa Federal iskaashi ah, maanta waxaan ku jirnaa waqti Soomaaliya dib u dhis lagu hayo siyaasadeeda waxeyna u baahan tahay kuligeen inaan gacanta is qabsano oo uu noo tilmaansan yahay yoolka aan dooneyno inaan gaarno wadajirna aan ku gaarno ayadoo la xisaabtamayo oo loo xisaabtamayo si dimuqraadi ah oo aan cidna loogu tureynin si aan isula qaadno waxaan u baahan nahay inaan ogaano qorshihiina,guddigana uu hadhoow idiinkaga difaaco meelaha dhibaatadu ka imaan karto”.

Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeyaani Nuur Iikar ayaa isaguna shir guddoomiyey kulan howleed ay guddiga Maalliyadda iyo Qorsheynta ee Baarlamaanka ku kala qaabileen Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda Mudane Maxamed Aadan Ibraahin “Fargeeti” iyo Mudane C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah.

“sidaas ayey maanta noogu soo gebagebowday kulan howleedkii guddiga Maalliyadda ee Baarlamaanka oo shir lalahaa wasaaradaha qorsheynta iyo maalliyadda waxaanna ku faraxsanahay in wasaarradahaasi ay qorshayaashooda oo faah faahsan usoo gudbiyeen guddiga taasina waxey cadeynaysaa wadashaqeynta guddiga iyo wasaarradaha iney adag tahay oo ay sii socon doonto, waxaan rajeynayaa in sharciyada laga rabo labadooda ay sida ugu dhaqsiyaha badan noosoo gaarsiiyaan insha Allah” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Iikar.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa isaguna shir guddoomiyey kulan howleed ay guddiga Garsoorka ee Baarlamaanka ku qaabileen Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane C/qaadir Sheekh Cali “Baqdaadi” iyo Wasiirka Garsoorka Mudane C/laahi Axmed Jaamac “Ilka jiir” oo ay wehlisay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda waxaana uu Gudoomiye ku xigeenka ka hadlay muhiimadda dhismaha maxkamadda dastuuriga ah.

“arinkan waa dhaaftay waqtigii loogu talagalay oo Xukuumaddu laheyd, laba bilood ayey heysatay oo fursad ah, labo sano ilaa seddex sano ayaana lasoo dhaafay oo waqtigii dowladda ayaaba dhammaan raba marka arinkan dib u celin kale ma oglin hadii kale waxey noqoneysaa in ay siyaasado kale jiraan oo la rabo iney maxkamadani dhisanto” ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Mudane Mahad Cabdalla Cawad Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka.

Kulammo howleedyadan u dhaxeeya guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka iyo Wasaarradaha Xukuumadda ayaa sii socon doona ilaa inta ay kasoo gebageboobaan kulammada lala yeelanayo 25 Wasiir ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Previous Post

Musharax Maxamed Cilmi Mideeye oo lagu soo dhaweeyay Cadaado “SAWIRRO”

Next Post

Horumarinta dhaqaalaha caasimadda oo laga shiray

Next Post
Xoojinta amniga degmada Xamarweyne oo laga shiray “SAWIRRO”

Horumarinta dhaqaalaha caasimadda oo laga shiray

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

Hay’adda SoDMA oo soo saartay wargelin muhiim ah

August 18, 2025
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee (SoDMA), ayaa raadinaysaa shirkado dhismo oo ka qeyb qaata dhismaha Xarunta Hawlaha gurmadka Degdeg ah...

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda SoDMA oo gaaray Belad-xaawo

August 18, 2025
0

Wafdi sare oo ka socda Hay’adda Maareynta Musibooyinka Qaranka ee SoDMA, uuna hoggaaminayo Agaasime Guud Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa maanta...

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗢𝗼 𝗟𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗺𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗧𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗢𝗼 𝗟𝗮 𝗫𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗺𝗮𝘆 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗧𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮

August 18, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay hannaanka la xisaabtanka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

August 18, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,oo ay wehelinayaan Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, saraakiil ciidan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In