Tuesday, December 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Koonfur galbeed oo socdaal ku maray Wanla-weyn iyo Bali-doogle

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Mudanayaal iyo waxgarad soo dhaweeyay baqii nabadeed ee madaxweynaha maamulka K/galbeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Wasiirada maamulkaasi ayaa shalay gaaray Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Tuulooyinka hoos yimaada, halkaasi oo ay kulamo kula qaateen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose, Saraakiisha Ciidamada Dowlada kuwa AMISOM ,Odayaasha Dhaqanka ,Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Kulanka ugu horeeya ayuu madaxweynaha maamulka koonfur galbeed Soomaliya iyo xubnaha la socday waxa ay deegaanka Bali-dogle ay kula qaateen odayaasha iyo waxgaradka deegaankaasi, waxaana guddoomiye ku-xigeenka dhinaca arrimaha bulshada ee maamulka gobolka shabeelaha hoose Cumar Maxamuud Cilmi uu ka warbixiyay xaaladaha deegaankaas iyo guud ahaan tan gobolka ka jira.

Related posts

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

December 23, 2025
Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025

“Culeys badan oo dhinaca waddooyinka ah ayaa jira Mudane oo ah caqabado ku saabsan gaadiidleyda qaada bulshada deegaanada isaga kala goysha caqabadahaas oo in badan ay dagaal la galeen ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, welina meelo badan ay culeysyadaas ay ka jiraan balse la doonayo in iyadoo la is kaashanayo culeysyadaas jira laga gudbo oo dadkan nabad gelyo sax ah ay helaan’’ ayuu yiri Cumar Maxamuud.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kadlay caqabaha dhinaca waddooyinka ah ee ka jira deegaanada gobolkaasi ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay xalinta caqabadaha ay tebayaan bulshada deegaannadaasi ku nool.

‘”Waxaan rajeynayaa in jidadkan oo furan uu Alle nala garab galo, waan ognahay in degmo degmo u gudbeyso aysan jirin ,tuulo tuulo u gudbeysa aysan jirin, waxaana rajeyneynaa in dadka ay isugu gudbaan oo dhulka sidii uu ahaan jiray uu noo noqdo,,in ninkii rabo inuu Xamar tego uu si nabad ah ku tago kii doonaya inuu Baydhabo tego uu tagi karo, ciidankana dadaalka ay muujiyeen aad ayay ugu mahadsanyihiin, laakiin hadana waxaan rabnaa in dadaalka ay sii wadaan” ayuu yiri Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sidoo kale Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa uu kulan kula qaatay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka, haweenka iyo qaar ka mid ah bulshada degmada, waxaana qaar ka mid ah dadkii kulanka ka qeyb galay ay wafdiga uga warameen xaaladaha dhabta ah ee degmadaasi ka jirta.

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa wado qorshe uu wada tashi kula sameynayo Odoyaasha  iyo Waxgaradka deegaanada gobolkaasi iyo sidii loo cirib tiri lahaa Ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyed ee UGUS.

Previous Post

Deg Deg: Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku fulisay Shuceyb iyo Faarax “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirada Arrimaha gudaha iyo Qorsheynta oo Cadaado kulan kula yeeshay guddiga farsamada

Next Post
Wasiirada Arrimaha gudaha iyo Qorsheynta oo Cadaado kulan kula yeeshay guddiga farsamada

Wasiirada Arrimaha gudaha iyo Qorsheynta oo Cadaado kulan kula yeeshay guddiga farsamada

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

December 23, 2025
0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuux; Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS mudane...

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii Diseembar 2025 fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah khawaarijta, kaas oo ka dhacay...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

December 22, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed kula yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In