Tuesday, July 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaan Mustafa Dhuxulow Oo Booqday Dugsi Ay Wax Ku Bartaan Arday Indhoolayaal Ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Xildhibaan Mustafa Dhuxulow Oo Booqday Dugsi Ay Wax Ku Bartaan Arday Indhoolayaal Ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dugsiga Al-Bahsiir , waxa uu ku yaallaa degmada Waaberi ee  gobolkan Banaadir, waxaa wax ku barta adey Soomaaliyeed oo indha la’,  dhismaha dugsigan waa guri  kiro ah uma sameysna xarun waxbarasho, laakiin daruufaha ayaa keenay in halkaan ay ardeydu wax ku bartaan,.

Xarunta  dugsiga Al-Bashiir, waxa uu ka kooban  yahay Fasallada lagu bixiyo casharrada iyo qolalka ay Jiiftaan, iyagoo isugu jira Wiilal iyo Gabdho aad u da’yar, waxaana ay halkaas ku qaataan nolol maalmeed u dhigma midka dadka caadiga ah ama aragga heysta oo kale.

Related posts

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

July 21, 2026

Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, waa mudane ka tirsan Barlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, waxaa uu isku dayey in uu si dhow ula socda xaaladda Waxbarasho ee Carruurta aragga la’ ee dusgiga Al-Basiir, si uu u dhiirageliyo rajada ay leeyihiin.

Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa tagay xarunta dugsiga ay ardeydu ku sugan yihiin, halkaas ayuuna ku soo arkay  sida niyad wanaagga leh ee ay diyaarka ugu yihiin in ay xoojiyaan hamiga waxbarasho caruurta ardeyda ah, xildhibaanka ayaa gudaha u galay fasallada casharada ay ku qaadanayeen, waxa uu  wareystay qaar ka mid ah wiilasha iyo gabdhaha fasallada fadhiyey.

Xildhibaanka, waxaa wehliyey Abuukar Cawaale “Qaad-diid” waxa uu yiri “waxaan la qiiroodey in ay Muqdisho ku sugan yihiin ardey Soomaaliyeed oo aragga la’ hadana leh mustaqbal wanaagsan, laakiin waxaa  nawada saaran inaan u istaagno sidii aan u caawin laheyn, maadaama u nagu hoggaamiyey Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow”.

Waxaan  gudaha u galnay qeybaha Jiifka ee ay Ardeydu seexdaan, halkaas waxaa ka muuqdey Sariiraha ay ku jiiftaan oo u baahan in wax badan laga badelo, waxaana war-bixin ka hadleysa xaaladda Dugsiga Al-Basiir na siiyey Maamulaha dugsigaasi.

Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo uu wehliyo Abuukar Cawaale Qaad-diid, ayaa maamulka dugsiga Al-Basiir ku dhiirageliyey in Isbitaal la geeyo laba ka mid ah ardeyda aragga la’  oo la sheegay in ay suuragal tahay dib u soo celinta aragtidooda, waana mid ka mid ah  rajada Mustaqbal ee ay leeyihiin carruurtaas arag la’aanta ah.

Maamulaha Dugsiga ardeyda Indhoolayaasha ah ee Al-Basiir, Abiikar Xuseen Bashiir, ayaa yiri “Waxaan si kale iyo laab ah ugu mahadcelinayaa Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, oo noo muujiyey in ay ka go’antahay garab istaagga carruurtaan masaakiinta ah, waxaan  ku talinayaa bulshada inteeda kale ay ku daydaan xildhibaanka”, isagoo si kooban u sharaxay baahiyaha ka jira Iskuulka Al-Bashiir.

Ardaydani ayaa hamigoodu ah mid sare iyagoo isku dayaya in ay ay horumar ka gaaraan waxbarashadooda, iyagoo aan waxba arag, waxaana muhiim ah in bulshada Soomaaliyeed iyo Dowladda Soomaaliya  ay garab istaagaan ardaydani oo u baahan caawimaad dhab ah, waxaana booqashada Wasiir hore Xildhibaan Mustafa Sheekh Ay dhiira galin  u tahay ardaydaasi iyo in bulshadu ay ku baraarugto Xaalada Ardaydani aragga la’ .

dhulow 2dhuxulow    

 

Previous Post

Tilmaamaha Kooxaha Xag-jirka ah-DHAGYSO

Next Post

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha oo ka warbixiyay safaro uu ku tagey dhowr dal

Next Post
Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha oo ka warbixiyay safaro uu ku tagey dhowr dal

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha oo ka warbixiyay safaro uu ku tagey dhowr dal

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
0

Ciidamada dab-damiska iyo kooxaha gurmadka degdegga ah ee Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay inay damiyaan dab xooggan oo maanta ka...

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

July 21, 2026
0

Masuuliyiin ka socday wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho uga qaybgalay tababar ku saabsan dhisidda adkeysiga dhaqaale...

Dab xooggan oo saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha

Dab xooggan oo saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
0

Dab xooggan ayaa saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo ololka uu saameeyay goobo ganacsi oo ku...

Soomaaliya oo u diyaar-garoobaysa booqashada Madaxweynaha FIFA ee Muqdisho

Soomaaliya oo u diyaar-garoobaysa booqashada Madaxweynaha FIFA ee Muqdisho

July 21, 2026
0

Wada-shaqeynta dhow ee u dhexeysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaamiyo Wasiir Maxamed Cabduqaadir Cali,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In