Ardayda Tababarka loo soo xiray oo tiradoodu gaareyso 100 arday oo wax ka barata jaamacadda Jobkey ayaa muddada laba maalin ah waxaa la barayay ceymiska islaamga iyo faa’iidada uu uganacsigu u leeyahay waxaana tababarkaas iska kaashanayay Jaamacadda Jobkey iyo shirkadda Ceymiska Islaamiga ah ee Soomaaliyeed
Guddoomiyaha Jaamacadda Jobkey C/casiis Caagane Cabdi Samad oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in ceymiska uu u leeyahay shacabka Soomaaliyeed faa’iidooyin aad u fara badan u leeyahay islamarkaana ceymisku yahay kan wax badan u qabta qof weliba oo Soomaaliyeed hadii uu ceymis kujiro ganacsigiisa ama hantidiisa.
Mas’uuliyiintii dhanka jaamacadaha ee ka qeybgalay kulanka ayaa xusay inay muhiim thay in ardayda iyo guud ahaanba dadka Sooomaaliyeed ay si wanaagsan u fahmaan iyagoo ku baaqay in la badiyo kulmada noocaan ah gaar ahaan iskaashiga jaamacadaha iyo shirkadaha ceymiska